Pakistan oo tilmaantay meel ay Soomaalidu ku fiican tahay oo doonayso inay iskaashi kala samayso

0

(Hadalsame) 24 Dis 2022 – Pakistan iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirkooda heer baarlamaan si ay isugusoo dhoweeyaan sharci-dajiyayaasha iyo shacabka labada dal.

Isfahamkan ayaa lagu gaarey kulan magaalada Islamabad ku dhexmaray Afhayeenka Baarlamaanka Raja Pervez Ashraf iyo wefdi ka socdey Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Figi.

Isagoo la hadlaya wefdiga, Raja Pervez Ashraf, ayaa wuxuu sheegay in kor u qaadista xiriirka baarlamaanku uu faa’iido u leeyahay labada dal. Waxa kale oo uu sheegay in Xildhibaannadu ay ka faa’idaysan karaan khibradaha labada dhinac.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in Pakistan ay muhiimad gaar ah siinayso xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ruuxi ah oo diin iyo walaalnimo salka ku haya, ayna Pakistan doonayso inay horumariso iskaashiga dhinacyada kala duwan oo uu ka mid yahay ganacsiga, isagoo dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay kuwo howlkar ah oo wax soo saar leh.

Hadalsame Media