”Wuxuu ahaa nin Soomaali ah balse maxaa dhacay markii uu HAASHIMI sheegtay isagoo jooga dalka Urdun?”

0

(Hadalsame) 24 Dis 2022 – Soomaalidu dhinac walba waa ku xagjir, dhinaca Diinta hadduu u yara jeesto wuxuu is taagayaa halka ugu shishaysa ilaa ay is miidaamiyaan, dhinaca qabyaaladana ilaa uu dhallaaxa soo qaado kama hadho, dhinaca fankana hadduu u jeestana wuu ku talax tagaa.

Berigii hore dadku Ashaacira Shaaficiya ah oo suufiya ah ayey ahaayeen. Xilliyadii hore waxaad ku arki jirtay Bacadlayaasha Burco oday dhex maraya oo siyaaradii Shiikh hebel keena leh, dadkuna waa bixin jireen, waxaan arki jiray oo xusuustaa iyada oo siyaarooyinka Shiikh Isixaaq Binu Haashim iyo Shiikh Daarood Ismaaciil Jabarti lays dhinac wado Burco, oo islaamaha xaafaduhu dawr weyn ka qaataan, sababtoo ah Burco waxay ahayd magaalo xiditinimada ku qoto dheerayd oo guri walba waa laysku dhex jiray.

Soomaaliyana sadex magaalo ayaa ugu nashaad badnaa siday aniga ila tahay xilliyadii mawjadaha isbeddelada fikriga diiniga ah socdeen, Burco, Hargeysa iyo Muqdisho, deegaanada hadda noolaaday ee basharka iyo ganacsigu ku batay burburkii ka dib sida Laascaanood, Garoowe, Boosaaso, Ceerigaabo waxay ahaayeen goobo aan laba gaadhin iyo goobo aanay nashaadba ka jirin, Gaalkacayo, Baldweyne , Kismaanyo iyagu sidaa dhaqdhaqaaq fikradeed gaar ahaan aragtidii wahaabiyada iyo salafigu xoog ugama socon.

Sideetameeydii tusaale ahaa Burco waxaa ku loolamayey New Love, Far iyo Suul, Ashaacira/Suufiya , Wahaabiya/Salafiya, Sulfa, Sahra Dawo, Ruwaayadihii Hobolada waabari, Rawaayadihii Banaadiriga, Shaneemooyin, waxaa joogay ajahanabi Shiine, Ameerikaan, Masaari, Hindi, Bakistaan, Yaman, Filand, Sinigaal, Faransiis umad ilaahay, diyaaradda Somali Airlines ayaa imaanjirtay fokortii, Boostadu daafaha adduunka ayey ka imaan jirtay.

Waxaa masaajidada Burco dhamaantood u sareeyey Ashaacirada/Suufiyada , Badhtamihii sideetameeyaadka ayey Wahaabiya/Salafiya Dhuurta Masjid ka dhisteen, hadda miyaa Wahaabiya Salafiya ayaa hal masjid mooyee inta kaleba haysta, meelkastana waa sidaas Boosaaso, Garoowe, Laascaanood, Muqdisho, Hargeysa.

Dhibtu waxay tahay dadku ma oga in lagu kala adkaaday dhinacaa fikirka. In dhallinyaro xagjir ahi soo baxaan waxaa shaqadeeda la bilaabay lixdameeyadii, maskaxda Soomaaliduna sideedaba waa timir xabaal taal, marba mawjad kutub ah oo guuraysaa soo gelaysa oo nin meel iska fadhiyaa qoray qarnigay doonaan ha noqdeene, fahamkaa shiikhaa ayaa muddo ku dhex wareegaya bulshada ilaa ay isku garaacaan.

Rag baa jira meel iska fadhiya oo aan uba baahnayn in ay dad juhdi galiyaan sababtoo ah goob walba iyo machad kasta oo geeska Afrika ku yaala manhajkoodaa lagu dhigaa, qofkasta oo ka soo baxaa wuxu xanbaarsan yahay fikirkooda mucaskaraadba uma baahana waaba loo shaqaynayaa, meel kasta in ay ka dhex toosaan saw maaha.

Siyaarooyinka bacde aanu ku lahayn hangarka Burco marka naloo yimaado labadaba waanu bixin jiray Ilaahay amarkii ta Shiikh Isxaaq Banuu Haashim iyo ta Shiikh Daarood binu Ismaaciil Aljabarti Al Caqiil Ibnu Cali Ibnu Daalib, ogow akhriste Daarood iyo Isaaqba waa reer Banuu Haashim.

Beribaa mid Soomaaliya tagay Urdun, Boqorka Urduna waa reer Banuu Haashim, waa Boqor Cabdalla Binu Xuseen Binu Dalaal Binu Cabdalla Binu Shariif Xuseen Binu Cali, waa nimankii Maka ay reer Alsacuud ka qabsadeen, ninkan Soomaaligu aad ayuu u madoobaa, Urduniyiintii ayuu ku yidhi: Waxaan ahay nin reer Binu Haashima , waxaan qoraal lagu soo koobi karin ayaa ninkii ku dhacay.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media