Maxay tahay taariikhda aadan ogayn ee uu leeyahay Bishtigii loo xirey Leo Messi (Cidda laga soo gaarey & Diimaha isticmaali jirey)

0

(Hadalsame) 24 Dis 2022 – Waxay doodi ka dhaltay khamiiskii furnaa ee uu xiddiga Paris Saint-Germain ee Leo Messi uu guddoonsiiyey Amiirka Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, kaasoo weliba ka caawiyey inuu xirto.

Khamiiskan furan oo la yiraahdo Bisht sidoo kalena loo yaqaan mishlah, caba, ama cabaaya, waa maro-dhaqameed dhererkeedu anqawga ku dhow yahay mase aha mid u gaar ah Qadar, waxaana laga heli karaa meelo kala duwan oo Bariga Dhexe dhan ah, iyadoo inta badan aan diinba loo adeegsan.

Asal ahaan waxa la xiran jirey bilaha qabow oo waxaa gaar ahaan qaadan jiren Badaawiyiinta Carabta iyo umadaha kale qaarkood si ay uga gaashaantaan qabowga jiilaalka, balse hadda waxa loo gaar yeelaa waqtiyada muhimka ah.

Inta badan waxaa gaar ahaan xirta ninka arooska ah maalinta arooskiisa, ama boqorrada xilliyada munaasabadaha rasmiga ah, waxaa xitaa la gashan karaa aaska.

Dharkani ayaa muujinaya maqaam iyo sharaf, sidoo kale waxaa meelaha qaar xirta imaamyada – gaar ahaan kuwa Khaliijka – marka ay tukanayaan salaadda.

Waxaa ku meegaaran tolmo dahabi ah oo cajiib ah, oo loo yaqaan zari, waxaana loo isticmaalaa in lagu xardho marada dun sida caadiga ah ka samaysan xariir, ama dun dahabi iyo qalin ah. Daabaca noocan oo kale ah ayaa inta badan raaca qoorta ama cirifyada furan ee Bisht-ga.

Waa guluus ama badhan la’aan, Bishtu inta badanna hal gacan lagu hayaa dhinacyada marka la socdo.

Waa maxay macnaha Bisht?

Waxaa la sheegaa in kelmada Bisht ay asal ahaan ka timid Akkadiyaankii hore ee looga hadli jiray Mesopotamia (Ciraaqda maanta), kuwaasoo aan xitaa Muslim ahayn, halkaasoo kelmadda Bishtu ay ula jeedaan “sharaf ama milgo”, qaar kale waxay soo jeedinayaan in eraygu uu ka yimid dhanka Faaris ama Iiraan.

Sida ku cad caadooyinka dambe, xujaajta Faaris ayaa la sheegay in ay dharkan soo geliyeen jasiiradda Carabta kaddib aasaaskii Islaamka.

Khamiiskan furani maaha mid kaliya ay jecel yihiin Khaliijiyiinta oo keliya balse waxa uu xirta dhammaan dalalka Carabta, Muslimiinta, iyo xitaa Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.

Dharkan waxaa dhaqan ahaan looga xiran jirey gobolka Levant ama Shaam iyadoo ay qaadan jireen wadaaddada Masiixiyiinta iyo Yuhuuddu, waxayna kuwani u yaqaanneen magaca Me’il. Dalka Marooko, dharkan mid la mid ah ayaa laga yaqaan kaasoo la yiraahdo Burnous, sida sawirka ka muuqata waxaa xiran diblomaasiyiin Maraykan ah oo lagu maamuusay.

Nebi Muxamed (NNKH) ayaa la sheegay in uu xiran jirey Bisht baroon ah oo ilaa maanta lagu soo bandhigo Matxafka Topkapi Palace ee magaalada Istanbul.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media