Imisa ayuu ku fadhiyaa ”qasriga” uu degayo Ronaldo + Sawirro (Danta ay Dowladda Sucuudigu ka leedahay CR7?)

0

(Riyaad) 22 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo iyo qoyskiisa ayaa waxay ku raaxaysan doonaan nolol raaxo leh oo qorraxaysan haddii uu u wareego Sacuudi Carabiya si uu u noqdo mid ka mid ah dadka ugu caansan ee deggan waddankan Islaamka ah.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa lagu wadaa in si diiran loogu soo dhoweeyo Boqortooyadan saxaraha ku taalla kuwaas oo aad u doonaya in ay Sucuudiga ka dhigaan mid soo jiidasho caalami ah leh oo ay soo booqdaaan dadka dunida iyo gaar ahaan reer Galbeedku, sida uu doonayo MBS.

Gurigan oo qasri oo kale ah ayaa ku kacaya £12.2m oo gini wuxuuna leeyahay berked dhammaystiran oo cabbirka Olombikada ah.

Ronaldo, oo 37-jir ah, ayaa lagu soo warramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis u saxiixo kooxda horseedka ah ee ka ciyaarta horyaalka kubadda cagta Sucuudiga ee Al Nasr isagoo geli doona wax lagu sheegay heshiis dahabi ah kaas oo uu ku qaadan doono lacag lagu qiyaasay £175 milyan oo ginni sanadkii.

Laacibka ayaa marka uu heshiiska oo 2 sano ihi uu u dhamaado Danjire-sharafeed u noqon doona dalabka Sacuudi Carabiya ee martigelinta Koobka Adduunka 2030-ka, isagoo raacaya wadadii David Beckham kaas oo Qadar booskaa ugu jirey.

Al Nasr oo fadhigeedu yahay magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga ayaa bartilmaameedsatay laacibkan kaddib markii la fasaqay qandaraaskii uu kula jirey Manchester United horaantii bishan sabab la xiriirta inuu kooxda ku weeraray waraysigii uu la yeeshay Piers Morgan, sidoo kalena la waayey koox Yurub ah oo danaynaysa.

Hadalsame Media