Golaha Ammaanka oo wax ka bedeley jadwalkii bixitaanka ATMIS (Shir caalami ah oo Somalia ku saabsan oo la iclaamiyey)

0

(New York) 22 Dis 2022 – Golaha ammaanka ayaa ansixiyey qaraar dib u dhigaya dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) ugu yaraan muddo lix bilood ah.

Tan ayaa lagaga jawaabayey codsiga Midowga Afrika, Qaraar tirsigiisu yahay 2670, kaasoo GA ka helay taageerada wadajirka ah ee golaha, waxaana uu oggolaaday in dhimista ATMIS dib loogu riixo illaa Juun 30, 2023-ka.

Waqtiga kama dambaysta ah ayaa markii hore ahaa Dis. 31, 2022-ka, waxaana lagu go’aamiyey Qaraar tirsigiisu yahay 2628 bishii Maarso 2022-kii, kaas oo dib u habayn ku sameeyey Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM oo xilligaa loo beddeley ATMIS.

Qaraarkan cusub, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa la socota in la qabanqaabin doono shir rasmi ah oo looga hadlayo isbeddelka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambayn Maajo 31, 2023, iyadoo ay ka qaybgelayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka ay ciidammadu ay ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS.

Hadalsame Media