ISKA JIR! Qaab dadka lagu duufinayo oo Somalia dhib ku haysa oo dadka looga digayo

0

(Hadalsame) 22 Dis 2022 – Wax aan ceeb ahayn yaan ceeb lagaaga dhigin.

Wax laga shaqeeyo waxaa ugu xun in aad noqoto Basaas, marka aad dalkaaga iyo dadkaaga ugu shaqaynaysidna waxaa lagu helaa amaan dalacsiin iyo sharaf.

Taasi waxay ku tusaysaa in qofku shaqadda ugu xun oo la qabta markuu dalkiisa ugu shaqaynayo in ay sharaf tahay, waxay kale oo kuu iftiiminaysaa mudnaanta iyo muhiimadda dalkaagu leeyahay.

Marna ha u arkin ceeb shaqo kasta oo dalkaaga iyo dadkaaga dani ugu jirto ee aad qabanayso.

Inta xun ee shisheeyaha u shaqaysa waxay isku dayayaan in ay ceeb kaaga dhigaan shaqo aad dalkaaga u hayso si ay kuu nacsiiyaan goobta aad ka shaqaynayso iyo shaqadaad hayso.

Si ay ugu suurta gasho in ay fuliyaan shaqooyinka ay shisheeyaha u hayaan, markasta waxay ku dadaalayaan in ay helaan god dalooliyin ay ku soo gabadaan si ay isaga dhigaan dad wanaag wadda.

Balse ogow qofka shisheeye u shaqaynaya asagoo dalkiisa duminaya waa qofka aduunka ugu tabarta yar sidaas darteed adigu ha u noqon darbi uu isku tiirsho si uu awood uga helo.

Diintaada dalkaaga iyo dadkaagu waa muhiim.

W; Q: Said Muuse Shire

Hadalsame Media