“Markii iskuulka la kala diray ayuu wiilku diidey inuu ka tago gabadha yar ee meesha fadhisa”

0

(Muqdisho) 20 Dis 2022 – Ninka sawirkaan qaaday wuxuu yiri; Waxaan la kulmay wiilkaas yar iyo gabadha dhinaciisa taagan, waxayna hor joogeen iskuul albaabkiisa uu xirnaa ardaydana xili hore kala tageen, wiilkii ayaan ku dhahay; Lambarka waalidkaaga isii si aan u waco oo ay kuugu yimaadaan goobtana kaaga wadaan.

Wuxuu iigu jawaabay; Kor kama aqaano lambarka waalidkey. Markaas baan ku dhahay; Waayahee walaashee ha iisoo yeeriso hadey lambarka taqaano?

Balse wuxuu i dhahay; Gabadhaan ma ahan walaashey anigana waxaan daganahay Guri iskuulka u dhow oo lug ayaan ku tagi karaa gurigeena, balse ma rabo inaan gabadhaan kaligeed ka tago waxaana sugayaa inta uu aabaheed ka imaanayo si uu guriga ugu kaxeeyo.

Hadalka uu wiilkaaa yar igu dhahay iyo falka uu sameeyay waxay i dareensiiyeen sababta aan Banii aadam u nahay.

W; D: Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

Hadalsame Media