Waxaa lasoo saaray kooxdii ugu XUMAYD Koobka Adduunka (Maku jiraa Ronaldo?)

0

(Dooxa) 20 Dis 2022 – Waxaa Axaddii lagu kala baxay Koobka Adduunka oo ay hanteen Xulka Argentina iyo Leo Messi, balse waxaa sidoo kale haatan lasoo saaray kooxdii ugu liidatey KA, waxaana ka mid ah xiddigo waawayn.

Cristiano Ronaldo ayaa loo doortay safka koowaad ama XI ee ugu xumaa Koobkii Adduunka kaddib markii uu waqti adag kusoo qaatay xerada Xulka Portugal oo uu markii dambe kayd ka noqday intii uu jiitamayey tartankii Qadar.

Ronaldo ayaa hal gool oo qura u dhaliyey xulkiisa, waxaana kursiga kaydka dhigay macallin Fernando Santos ciyaartii ay 16-ka ciyaareen ee Switzerland iyo guuldarradii lama filaanka ahayd ee kasoo gaartey wareega 8-da oo ay ku reebtay Morocco oo ahayd ka yaabisadii tartanka.

37-jirkan haatan xorta ah ayaa lagu soo warramay inuu xitaa ku hanjabey inuu isaga tegayo xerada Portuguese-ka markii uu kulan diirranaa la qaatay Santos kaddibna dhegihiisa lagu dhibciyey in laga saaray safka koowaad ee ciyaartii Switzerland, inkastoo ay taasi si deg deg ah ay taa u beeniyeen FA-ga dalkaas iyo ciyaaryahanka laftiisu.

Halkan hoose ka eeg safka kooxda ugu liidata KA oo ay hoggaaminayaan Ronaldo iyo Luataro Martinez oo Inter ka tirsan.

Hadalsame Media