“Marka uu dhinto qofkii ay is jeclaayeen gabadha ayaa lala aasi jirey iyadoo la leeyahay ka qabso gacanta bidix!” – Dalka & Xilliga?!!

0

(Hadalsame) 20 Dis 2022 – MA JACAYL MISE …??? Wax badan ayaad maqashay suugaan ama heeso laga sameeyay labo is jecel oo uu midkooda leeyahay kan kale ” Ifka haddaad ka tagto anna kaama hari doono, oo agtaada ayaan ahaa. Doonaa”..!, laakiin waxaa xaqiiq ah inaadan waliga arag ruux (will ama gabadh) lamaanaha ah oo inta uu midkood dhintay uu kii dunida ku haray yiri ” I ag seexiya Jacaylkayga yuusan iilka ama qabriga ku cidloone..!”.

Waliba inta iilka loo waasiciyey oo lala ekeysiiyay jiifka labo ruux oo hab is-daawasho kalagacal ah la isku hor seexiyo, mararka qaarna ruuxa qabriga la seexanaya Jaceylkiisa wuxuu gacanta bidix qabsan jiray lamaanihiisa geeriyooday ee uu ku wehlinayo qabriga, waxaase cajiib ah in 3,500 ( Seddex kun iyo shan boqol oo sano ) kaddib la helay mucaashiqiin qabuuro qadiimi ah oo ay ku aasan yihiin nooca mucaashiqiinta aan ka soo faallooday.

Tuulada Staryi Tartas ee gobolka Novobirisk ayaa laga helay in ka badan 600 oo qabri oo ay ku aasanyihiin dad dhintay 3,500 00 sano ka hor, qabri walba waxaa ku wada jira qof dumar ah iyo nin rag ah oo sida labo is daawanaya is dhinac jiifa, halka qaarna ay shanta farood ee gacanta midig ah isku haystaan sida labo isku sii waari doona.!

Saynisyahanda daraaseeyay qabuurahan ayaa helay siro la xidhiidha habka qabri walba loo seexiyay qof dumar ah iyo qof rag ah, waxayna saynisyahanadu ku sheegeen in sababtu tahay wax la xidhiidha ‘Qisas Jaceyl’ iyo xaalado adag oo taagnaa waqtigaas, arinta la yaabka leh ayaa ah in 600 ee qabri ee ay lamanayaashu kuwada aasanyihiin uusan jirin hal nin oo doortay inuu gacalisadiisa ku wehliyo qabriga, kuwa ayaga oo nool lala aasay lamaanahooda dhamaantood waa dumar..!!

Hadda, waxba ha isku wareerin inaad isa su’aasho tolow heblaayo oo jaceylkaaga ah qabriga makuu raaci lahayd, ee kali ah is weydii haddaad xanuunsato cisbitaalka makugu soo booqan lahayd waliba intaad kabanayso makula joogi lahayd, waxaan sidaa kuu leeyahay maanta waxay gacalisadaadu haysataa Tiknoolajiyad ay kaaga keydsatay xusuusahaaga, sidaa darteed inay ku daawato oo isku beegto wajigaaga kugu raaci meyso qabriga, xitaa haddaad ka dalabatana waxay ku leedahay “qof walb labo mitir ayuu leeyahay, aboorna kaama jafayo, anigu camalkagiina ma ihi..!”

Taas danbe ayaa sax ah, oo haddii ay ku raacdo qabriga iyo haddii ay ku diidaba nin u war hayaba ma’ahid, laakiin qaar seynisyahanada ka mid ah ayaa ku sheegay qisaska meydadkaas siraha jacaylka iyo isku duubnida wakhtigaas ay lahaayeen mucaashiqiintii jiray.

Dhinaca kale, saynisyana kale ayaa qaba fikir ah in marka uu ninka dhinto caado ahaan lala aasi jiray xaaskiisa, taasna ay ahayd dabeecad bulsho oo lagu ilaashanayay abtirsiinta iyo qabiillada qoysaska, waana sababta ay u badan yihiin qabuuraha labo-nafarka ah.

Proff Klein oo ka mid ah khuburada baartay qabuurahaas wuxuu aaminsan yahay.

3,500 oo sano kahor waxaa dunida soo jiray lamaanayaal in qof dumar ah oo loo huri jiray geerida nin kasta, hadana waxaa loo badinayaa dadkaan inay ahaayeen asal ahaan Iiraaniyiin waayo gobolka Andronovo waxaa ku noolaan jiray dad asal iiraaniyiin ah.

Arinta weli la iswaydiinayo ayaa ah in ay dadkaan oo meydka aasi jireen haddana ku dhex gubayeen qabriga, waana sababta lafaha madow ay ugu hareen qabri walba.

Haddii ay maydadkaas lagu gubi lahaa dhir dusheeda oo banaanka ah sida Hindida waxaa khasab ahayd in mayd kata ka soo haro danbas, laakiin ku gubista gudaha qabriga ayay u sababeeyeen seynisyahannadu inay lafaha gubaan ee qabri walba dhex yaalla.

Way adag tahay in la yiraahdo waqtigaas lamaane kasta hal maalin ayay dhiman jireen, waayo looma hayo cilmi taas loo sababeeyo, laakiin waxaa xaqiiqo ahayd in carruurna xiligaas noqon jirin agoon ama rajo ilaa uu labadaba wada yahay mooyee…!!!

ARAGTIDAADA…???

W; D: Maahir Jaamac Aadan

Hadalsame Media