”War iga tag!” – Maxaa ka raacay MW Faransiiska markii uu isku dayey inuu u ”tacsiyeeyo” Kylian Mbappe (Daawo)

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa la arkayey isaga oo si xun u iskugu dayaya in uu u tacsiyeeyo Kylian Mbappe kaddib rigooradii ay 4-2 Argentina uga guulaysteen final-ka Koobka Adduunka.

Mbappe ayaa muujiyey inuu la muraara dillaacay guushii Argentina isagoo gooni u baxay tiiyoo ay jirto inuu ahaa geesigii Faransiiska, ciyaartii kusoo dhamaatay 3-3 kaddib waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

MW Macron ayaa la arkayay isagoo isku dayaya inuu gacanta qabto wiilkan 23-jirka ah ee Mbappe oo dhankiisa isku dayayey inuu ka dhaqaaqo Macron oo taagan, xilli uu niyadda u dhisayey.

Madaxwaynaha Faransiiska ayaa mar kale isku dayey inuu u qalbi qaboojiyo Mbappe intii lagu jirey xilligii abaalmarinta ciyaarta kaddib, markaasoo uu xiddigga PSG uu helay billaddiisa kaalinta labaad iyo kabaha dahabka ah.

“Waa wax aan caadi ahayn waxa Mbappé sameeyey, iyo sidoo kale kooxda oo dhan,” ayuu Macron u sheegay RMC Sport. “Mbappe waa ciyaaryahan wayn laakiin weli waa da ‘yar yahay,” ayuu raaciyey isagoo xusay inuu 23-jir uun yahay uuna yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya Koobka Adduunka.

“Waan murugoodey sida isaga, waxaana u sheegay inaan aad ugu faanno, ugu dambayntiina waxaan guuldarraysannay ciyaar kubbadda cagta ah, anagoo aad usoo dhowaanney. Isboortiga waa sidaas.” Ayuu ku dooday MW Macron.

Hadalsame Media