Taangi Ukraine ah oo ilbiriqsigii ugu dambeeyey arkay gantaal kusoo socda kaddib maxaa dhacay (Daawo)

0

(Kyiv) 18 Dis 2022 – In kasta oo uu soo socdo jiilaalkii qaboobaa oo weliba sii kordhaya, misna colaadda Ukraine uma eka mid joogsanaysa. Waxaad se oran kartaa wax way yaraadeen, laakiin dagaalku wuu sii socdaa.

Maangal ahaan, xaaladahan cimilada daran, dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa loo isticmaalayaa si sidii hore ka badan. Taasi waxay dhintay ku lug lahaanshaha bini’aadamka iyadoo loo weecday mashiinnada iyo tignoolajiyadda casriga.

Kaamiro ku xiran diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Ruushka oo weliba ah nooca lagu magacaabo Kamikaze-ga ee is miidaamiya ayaa si sax ah u qabatay qaraxa taangi ay Ukraine leedahay. Lancet, oo ah gantaal ay siddey diyaaradda Ruushka, ayaa si deg deg ah ugusoo hoobanaysa bartilmaameedkeeda.

Tan ugu naxdinta badani waa in la arkayo ciidamadii taangiga Ukraine oo daqiiqaddii ugu dambaysey furaya dahaarka sare ee tooreedka taangiga, balse waxay ahayd xilli aan waxba laga gaarin oo uu gantaalku ku dhacay.

Ruushka ayaa 60-kii maalmood ee la soo dhaafay kordhisey adeegsiga gantaalaha dhul-ka-cir iyo cir-ka-dhul.

Hadalsame Media