Leo Messi oo xalay JAC ku dhejiyey Salt Bae & Xeer kale oo la jebiyey (Daawo)

0

(Dooxa) 19 Dis 2022 – Fiidiyow maanta soo ban-baxay ayaa wuxuu muujinayaa Lionel Messi oo samaynaya intii karaankiisa ah sidii uu ugu jaakiri lahaa kariyaha caanka ah ee lagu naynaaso “Salt Bae” kaddib guushii Argentina ee Koobka Adduunka.

Leo Messia oo kulankaa 2 gool oo uu mid rigoore ahaa ka dhaliyey ayaa guul u horseeday dalkiisa oo rigooreyaal 4-2 ah ku diley Faransiiska oo 3-3 ku celiyey ciyaartii caadiga ahayd.

Fiidiyow Twitter-ka lasoo dhigay ayas ciwaan looga dhigay ‘Xitaa Messi wuu ogyahay in Salt Bae uu fasax la’aan ku socdo.’

Taageerayaashuna waxay si caro leh su’aal uga keeneen sababta 39-jirkan, oo u dhashay Turkiga magaciisa dhabta ihina yahay Nusret Gokce, loogu oggolaaday garoonka.

Salt Bae ayaa markii dambe isku qorqoray saaxiibka Messi ee Argentina, Angel Di Maria, isaga oo lasoo galay sawir muuqaal ah oo uu garabka ku hayo isagoo kusoo qoray ‘Cajiib’ xilli ay koobka wada hayeen.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa yiri: ‘Waa mid aan caqli gal ahayn. Yaa Salt Bae u ogolaaday inuu garoonka soo galo? Waxaan arkay sawirro farabadan oo uu ku hayo koobka aduunka, iyo xitaa sawirka isaga oo qaniinaya bilad.”

XEERKA FIFA – Sharciyada FIFA ayaa sheegaya in kaliya ‘koox lasoo xulay’ ay taaban karaan koobka, kuwaasoo ay ku jiraan kooxda ku guulaysatey Koobka Adduunka iyo madaxda dowladaha – iyadoo su’aal la geliyay sababta ninkan loogu ogolaaday inuu koobka usoo dhowaado marka horaba.

Halkan ka arag sheekada oo dhan…

 

 

Hadalsame Media