Farqi wayn oo u dhexeeya hab-raac howleedka daroonnada Maraykanka & Turkiga ee caawiya Ciidanka Somalia (Farqi la calaameeyey?)

0

(Muqdisho) 18 Dis 2022 – Waxaa la sheegay inuu farqi howlgal u dhexeeyo hab-raaca howlgal ee daroonnada Turkiga iyo kuwa Maraykanka ee Somalia duqaymaha ka gaysta.

Sida ku cad qoraal dhowaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFCOM,  labadii weerar ee ugu dambeeyey ay 14-kii iyo 17-kii bishan Diseembar ka fuliyeen meel ku dhow magaalo xeebeedka Cadale.

Duqaymahan ayaa ku yimid codsi kaga yimid dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana waxaa lagu taageerayey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida ay qortay VOA oo ku hadasha Codka

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay meel 176 KM dhanka Woqooyi Bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay 7 dagaalyahan, halka weerarka labaadna uu ka dhacay meel qiyaastii 220 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab.

Waloow ay Taliska Maraykanka ee USAfricaCommand ay sheegaan inay kaliya ka jawaabaan codsiga DF, misna waxaa la isku raacay inay kaliya la shaqeeyaan Koomaandooska Danab oo ah ciidan aad u yar oo ay iyagu tababareen.

Taa biddaalkeeda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, sida Bayraktar B2B, waxay u muuqdaan inay si guud u taageerayaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa maxalliga ah ee degaannada, mana jiro ciidan gaar ah oo ay ku xiran yihiin, inkastoo la sheegay inay weli sahan ku kooban yihiin.

Taasi waxay howlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka wadaan Soomaaliya ka dhigtaa kuwo xaddidan ama dano gaar ah iyo iidheh ay u adeegsato DF Maraykanku, sida laga arki karo qoraallo dhaadheer oo lagu faafiyey warbaahinta saamaynta leh ee Galbeedka.

Hadalsame Media