“Goolka 3-aad ee Argentina waxay ahayd in la diido!” – Saxaafadda oo caddayn soo bandhigtay (Daawo)

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Saxaafadda Faransiiska ayaa si ay quusi ku jirto usoo bandhigtay muuqaal ay ku sheegeen inay ahayd in goolkii saddexaad ee Argentina ay ka dhaliyeen final-ka Koobka Adduunka la diido kaddib markii ay garoonka soo galeen ‘ciyaartooyada kaydka iyo howlwadeenka oo qiiraysan’, kaasoo uu dhaliyey Lionel Messi.

Xulka Argentina oo xalay laba gool ku hormaray kahor inta aan la aadin nasashada ayaa waxaa goolasha oo ay u kala dhaliyeen Messi iyo Angel Di Maria kaligii ka daba geeyey wiilka yar ee Mbappe.

Daqiiqadii 108-aad ee ciyaarta ayaa waxaa gool laga badbaadiyey Lautaro Martinez goolwale Hugo Lloris, riboon dhow ahaan uga daba geeyey Leo Messi oo meel dhow ka toogtey.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Faransiiska ee L’Equipe ayaa aaminsan in goolkaasi ay ahayd inuu garsooraha u dhashay Poland ee Szymon Marciniak iyo kaaliyeyaashu ay diidaan.

Waxay cinwaan uga dhigeen ‘Maxay tahay sababta goolkii saddexaad ee Argentina loo diidi waayey’, waxana ku andacoonayaan ‘in bedel qiiraysani ay garoonka soo galeen’ inta uusan xitaa Messi weli goolka dhalin, taasoo ‘si wayn loo mamnuucay’.

Hadalsame Media