Dhibaato ka taagan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo la ”kashifay (Daawo)

0

(Muqdisho) 18 Dis 2022 – Prof. Xuseen Iimaan oo ka tirsan gayfanayaasha Bulshada Rayidka ayaa ka hadlay arrin uu aad ula yaabay oo uu ku arkay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo uu doonayey inuu ka duulo.

Wuxuu sheegay inuu la yaabay in musqulihii caamka ahaa ee Garoonku aanay haatan si saaxi ah u shaqaynayn, isagoo xusay inay jajaban yihiin qaar ka mid ah fadhiyadii musqulaha.

Waxaa uu intaa raaciyey in dhibaato wayni ka taagan tahay sida loo isticmaalo oo aanay dadka qaarkii aqoonin maadaama ay yihiin musqulo casri ah oo ay biyuhu kasoo shubmayaan qaybta hoose.

Waxaa kale oo intaa dheer, in aysan musquluhu lahayn adeegyadii loogu tala galay inay yeeshaan sida waraaqihii, shaambadii iyo saabuunihii la isku nadiifin lahaa, wuxuu kale oo uu saluugey hab-dhaqanka dadka howlwadeenka ah ee halkaa ka shaqeeya oo shaqo xumadii laga caban jirey halkaa ku haya, sida uu sheegay.

”Markii aan ku iri war kaalaya dadka tusa sida musqulaha loo isticmaalo waxay igu yiraahdeen waa yaqaannaan.” ayuu yiri Prof. Xuseen Iimaan.

Hadalsame Media