”Magaalada Wajaale waxaan dhaafay 15 maalmood kahor” – Dhibaato Somalia ka jirta oo aan waxba la iska waydiin

0

(Hadalsame) 18 Dis 2022 – Waxaan saaranahey gaari ay saaran yihiin 13 qof marka lagu daro darawalka, safar ayaanu nahay dhamaan, waxaanu saacado kahor kasoo dhaqaaqney magaalada wajaale, dadka dhamaan waa reer puntland marka laga reebo darawalka.

Sidoo kale marka laga reebo aniga dhamaan dadku waxa ay puntland uga yimaadeen safar caafmaad, mudo hadii aanu soconno oo aanu safarkayaga sii wadanno isbarasho dabadeed, Soomalidu waa dad sheekada wadaagee dhamaan waa la sheekaysan, marba qof ayaa hadalka qaadanaya, inta kalena waa ay ka dhurayaan oo waa ay dhagaysanayaan.

Waxa aan waydiiyey mid ka mid ah hooyooyinka safarka nala ah, safarkeeeda caafimaad ee ay uga timid Garowe kuna timid Ethiopia waxay ay ka faa’iidey, hadalka waxa ay iiga bilowdey.

“Magaaladaan Wajaale waxaan dhaafay oo dhanka Ethiopia ka tirsan uga gudbey 15 maalmood kahor, xanuunka aan dareemayo aad uma kala garanayn meesha la marayo oo aad ayaan u xanuun sanaa, alxamdulilaah maanta waa anigaas sheekaynaya oo waan kusoo caafmaadey.”

Waxa aan waydiiyey sababta ay puntland iskaga dawayn waydey ee Ethiopia usoo aaday, waxayse ii sheegtay “mudo 3-bilood ah in ay ku wareegaysay isbitaalada magaalada garowe, dhakhtarkii ay u bac dawooyin ah siinayo, lacag aaan caadi ahayna laga qaadayo, waxaan go’aansaday markii ay lacagtii iga dhamaatey in aan aado Ethiopia oo aan boos aan lahaa gato si aan iskugu soo daweeyo, nasiib wanaagse, lacagta Ethiopia igaga baxdey waxa ay dhan tahey $300 oo Doollar kaliya, dhakhaatiirtii iyo dawooyinkii ay Garowe ku qaadatayna mid ka mid ah uu kor u dhaafayey dhowr kun oo Doollar.”

Axmed oo kamid ah dadka safarka nagula jira wuxuu ka yimid Waaciye waxa uu noo sheegay in xanuunnadii lagu sheegay markuu Puntland joogay, markii uu Ethiopia tagay lagu qoslay ee la yiri ”weligaa xanuunnadaas iyo wax lamid ihi kuguma dhicin.”

Dhamaan dadka safarka ah qisooyinkooda caafimaad ay ka sheekaynayaan waa isku dhow yihiin qaarna waa isku nooc.

Meesha ay ka yimaadeen ee Puntland waa meesha laga helayo Hoteello $5 milyan oo Doollar lacag ka badan lagu dhisay, kuwaasoo koobka shaaha ihi uu ka badan yahay $3 Doollar, halka meesha lagu daweeyey aan laga helayn hoteel 2M lagu dhisay, balse laga helayo dhakhtar kugu dawaynaya qof $300 oo Doollar wax ka yar.

Ganacasatada Puntland suuqa ay dawooyinka kasoo gataan miyaa ka qaalisan suuqa Ethiopia dawooyinka looga soo gado? Kuwa hoteellada $5 milyan oo Doollar+ ku dhisana, dadka in ay xarumo caafimaad oo tayo leh u dhisaan maxaa u diiday? Aaway se doorkii maamulka iyo waxqabadkiisii?

W; Q: Umulkhayr Cawad

FG: Qisadani waxay u qaab egtahay mid aannu beri dhowayd ka qornay bariiska Somalia la keeno iyo sida ummadda masaakiinta ah loogu dhiig-miirto sicir ahaan. Halkan ka aqri…

Hadalsame Media