“Si fiican u ooy!” – Taageerayaasha Messia oo weerar ku qaaday weriye sheegay in la SUMEEYEY Xulka France

0

(Hadalsame) 18 Dis 2022 – Taageerayaasha ayaa ka jeexjeexay Piers Morgan kaddib markii uu sheegay in xulka France ‘si ula kac ah loo sumeeyey’ kahor guuldarradii Argentina kasoo gaartay final-ka Koobka Adduunka.

“Sun ma ahayn. Si kas ah ayaa loo sumeeyey,” ayuu Twitter kusoo qoray Morgan.

Taageerayaasha ayaa baraha bulshada ku weeraray däMorgan, iyaga oo warkiisa ku sifeeyey ‘wax laga xishoodo’ waxayna hadalkiisa ku xiriiriyeen rabitaankiisa muuqda ee ku qotoma in Messi uusan ku guulaysan Koobka Adduunka iyo xiriirka uu la leeyahay Cristiano Ronaldo.

‘Si buuxda ayay noogu socota, waana ku haystaa’, ayaa mid ku yiri barta Twitter-ka isagoo u jawaabaya, mid kale oo ku daray: ‘Si fiican u ooy.’

Dhowr isticmaale oo kale ayaa soo geliyey sawirrada Cristiano Ronaldo oo ooyaya, iyagoo kusii jees jeesaya Morgan, mid kale ayaa yiri: ‘Waa sida ay taageerayaasha Ronaldo u fikiraan, khiyaali.’

 

Hadalsame Media