Xog aanad ogayn oo ku saabsan BARIISKA ay ganacstadu ka keenaan dalka Shiinaha + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Dis 2022 – Ganacsatadu Waa Shisheeye Iyo Dulin Ninkii Sokeeye Iyo Waddaniyiin U Malaynaayow.

Bal dhugo qiimaha ay ganaaxsatadeennu Waddanka Shiinaha kaga soo iibsadaan Raashinka iyo qiimaha ay innaga innagaga iibiyaan Raashinka.

Bariiska caadiga ah ee dhul kasoo bax la beeray ah, wuxuu ka taaganyahay waddanka Shiinaha qiimo dhan 20$ halkiisa Tan (1Ton), halkii Tan waa Kun Kiiloogiraam (1000kg), waxaanu noqdaa 20 Gadbadood/Jawaan oo min 50kg ah ama 40 Moohaar/Shub oo min 25kg ah oo bariis ah. Sidaa darteed Gadbadda Bariiska ah ee 50kg ah waxay ku taagantahay qiimo dhan 1$, sidokale Moohaarka Bariiska ah ee 25kg ah wuxuu ku taaganyahay qiimo dhan 0.5$.

Bariiska la beeray waa Bariiskii Waayo Waayo aynu cuni jirnay ee marka la karinayo meel fog kasoo uri jiray.

Sidoo kale waa Bariiska sameyska ah ee aan kasoo bixin dhulka ee Wersheda lagu farsameeyey halkiisa tan(1000kg) wuxuu taaganyahay qiimo dhan 10$, Gadbada Bariiska ah ee 50kg ah waxay ku taagantay qiimo dhan 0.5$, sidokale Moohaarka Bariiska ah ee 25kg ah isna wuxuu ku taaganyahay 0.25$.

Bariiska tan ahaan ayaa lagu iibiyaa ee Jawaan ahaan laguma iibiyo. Laakiin Ganacsaduhu markuu iibsado kaddib ayuu dalbadaa qaabka uu doonaayo in loogu miiso ee Gadbad/Jawaan 50kg ah ama Moohaar/Haaf 25kg ah, ka looga dhigaayo.

Marka Bariiska la iibsado waxa bilaash (bilaa lacag) ku qaada markab Shirkaddu leedahay oo geeya sayladaha caalamiga ah ee ganaaxsiga adduunka ee uu ganaaxsadaha Bariiska iibsaday suuqa ku leeyahay.

Sidaa awgeed Ganaaxsatadeennu markay Shiinaha kasoo iibsadaan Bariiska, waxa markabka sherkeda ay Bariiska ka iibsadeen u geeyaa Saylada ganaaxsiga adduunka ee Dubai si bilaash ah, kadib halkaas ayey kaga soo qaataan Maraakiibta waddanka innoogu keenta. Sida badeecadaha kale looma cashuuro, Wax cashuur la odhan karo lagama qaado maadaama oo uu quutaldaruurigii ummadda yahay waxanay waddanka soo gelinayaan.

Hadday Dawladi jirto 500 oo Tan oo Bariis ah oo qiimahiisu taaganyahay 500×20$= $10,000 ayey soo iibsan lahayd, 500 ee Tan ee Bariiska ah waa 10,000 oo Gadbadood/Jawaan oo Gadbadii/Jawaankii ba ku taagan yahay qiimo dhan $1, sidokale waa 20,000 oo Moohaar/Shub/Haaf oo Moohaarkiiba qiimo dhan $0.5 ku taagan.

Kaddib Degmo kasta waxay ka furan lahayd Bakhaarro dowladdu leedahay oo ay ku iibin lahayd qiimo bulshadu mahadiso oo Gadbada Bariiska 50kg ah waxay ka siin lahayd dadkeeda qiimo dhan $20, faa,iido ba ha ka samayso dawladeennu, inkastoo sida Qaalibka ah iyo sharciyanba Dawladu faa,iido ka samaynin adeegyada ay bushadeeda u qabato oo qofkasta oo dalmari ku arkay waddamada ay Dawladnimadu ka jirto.

Yeelkeede, Dowladeennu haka ba raadiso faa,iido oo kolka ay qiimihii 20$ oo halka Tan(1000kg) ku joogay ku iibiso 20$ Jawaanka 50kg ah, Kadib waxay ka faa,iidi lahayd 10,000×20$=200,000$. Sidokale 500 ee tan waxay noqonayaan 20,000 oo Moohaar/Shub/Haaf 25kg Bariisa. Kadib Dawladu waxay dadkeeda ka siin lahayd qiimo dhan $10 Moohaarkiiba.

Dabadeed Dowladu Waxay ka faa,iidi lahayd macaash dhan 20,000×10$=200,000$.
Dabadeed Naxariista ILLAAHAY baa soo degi lahayd oo dalkuba barwaaqo sooran ayuu noqon lahaa ku noolaanshihiisa lagu raaxaysto.

Sharaftii iyo gobanimadii uu ku naaloon jirayna wuu ku naaloon lahaa oo gumaystayaasha iyo gaalada uma dulloobeen mana dawersadeen haayadaha gumaystayaasha iyo gaaladu usoo dirsadaan duminta iyo dulleynta ummaddaha ay danahooda gaarka ah ka dhex arkaan.

Hadaba waa imisa qiimaha adiga lagaaga iibiyaa Moohaarka bariiska 25kg ah. Ganacsatadu Waa Gumaystayaal Ninkii Gacal Moodayow. Ganacsatadu gacal Maaha Oo Sokeeye Maaha Oo Waddaniyiin Maaha Ee Waa Danaystayaal Daalimiin Shisheeye Ah.

Ummaddeenna Cuqubaa ku dhacday Wallee markaad nolosheeda imika ku nooshahay u fiirsato iyo markaad eegto aayatiin la’aanta mustaqbalkeeda mugdiga ah.

Xogtan Dahsoon waxaan ka helay nin ganaaxsade Koonfur Afrikaan ah (South African) oo waddanka Shiinaha kasoo adeegta oo Hargaysa yimi kafdib la amakaagay Raashinka qiimaha laynagaga iibinaayo iyo qiimaha ay ganaaxsatadeennu Shiinaha kaga soo iibsadaan.

W; D: Dhulbeeg Axmed Mooge

Hadalsame Media