Xulka Argentina oo ka xumaaday arrin ay qarinayeen oo soo ban-baxday kahor kulanka berri ee Holland

0

(Dooxa) 08 Dis 2022 – Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ka xanaaqey kaddib markii ay soo baxeen xogaha uu aadka u qarinayey ee xulkiisa kahor kulanka ay wareega 8 dhamaadka Koobka Adduunka kula ciyaari doonaan xulka Holland.

Xulka Argentina ayaa wajahaya wiilasha Louis van Gaal oo si heersare ah loo diyaariyey fiidnimada Jimcaha saacada 7pm (GMT), iyagoo 2-1 kagasoo badiyey Australia wareegga 16-ka Sabtidii hore.

Isku soo wada duuboo, warar ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in laacibka Rodrigo de Paul uu shaki ku jiro fayaqabkiisa kaddib markii uu dhaawac muruqa ihi kasoo gaarey tababarka.

‘Maxaad wax iiga waydiinaysaa xaaladda De Paul?’, Scaloni ayaa warfidiyeenka ku waydiiyey shirkiisii jaraa’id ee ka horreeyey ciyaarta Jimcaha, sida ay werinayso mareegta Argentina ee Ole.

“Sababtoo ah waxa uu sameeyay xoogaa tababar ah balse ma uusan dhamaysan tababarka,” wariyaha DirecTV, Federico Rodas, ayaa ugu jawaabey.

Scaloni ayaa markaas waydiiyey Rodas cidda warka usoo dusisey – xilli De Paul uu tan iyo markaas dafirayey dhaawaca. Wuxuu yiri: ‘Haddii aad ii sheegto cidda kuu sheegtay, waan kuu sheegi doonaa xaaladda Rodrigo.’

Hadalsame Media