Arrin cusub oo kasoo korortay kiiska Axmed Rashiid (Maxaa shalay ka dhacay maxkamadda?)

0

(Nairobi) 09 Dis 2022 – Axmed Rashiid, oo ah sarkaal kiiskiisa lagu muransan yahay oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa loo haystaa dacwad dil ah oo la xiriirta dilal sannadkii 2017-kii loo gaystey labo tuug oo laga shakiyay, ayaan maxkamadda soo xaadirin maalintii Khamiistii, sidii la filayey.

Qarreenkiisa Danstan Omari, oo sheegay in Corporal Rashid uu ku dhaqmay sharciga, ayaa maxkamadda u sheegay in macmiilkiisu aanu fiicnayn oo uu isbitaalka ku jirey tan iyo 5-tii Diseembar. Waxa uu sidoo kale sheegay in askarigaasi aan weligiis shakhsi ahaan loo soo dirin warqad u yeeris ah si uu u horyimaado maxkamada.

Askarigan ayaa lagu eedeeyey in uu dilal sharci darro ah ka gaystey xaafadaha Islii, Pangani iyo Mathare ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo aan wax ah la marin.

Wareysi uu siiyey BBC Africa Eye, Corporal Rashid waxa uu qirtay in uu diley dambiilayaal la eedeeyey, balse aan maxkamad lasoo taagin waloow ay jiraan dad taageersan howsha uu qabtay waxaa jira in la’eg oo neceb.

Muuqaal aad u faafay ayaa muujinaya isaga oo tooganaya labadan dhallinyarada ah ee aan hubaysnayn sanadkii 2017-kii, labaduba waa ay isasoo dhiibeen oo waxay jiifeen dhulka. Tani waxay dhacday dharaar cad oo ay dhawr iyo toban qof daawanayeen.

Maxkamada, ayaa waxaa ku sugnaa qoysaska ilaa 43 nin oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in uu diley askarigaasi. Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa taageerayaashiisa oo u badnaa ganacsatada xaafadda Islii, kuwaasi oo sheegay in kooxaha burcadda ah ay hadda yihiin wax laga soo gudbey, waloow sidoo kale loo haysto dilka dad aan burcad ahayn.

Dable Rashid ayaa hadda la filayaa inuu maxkamadda kasoo muuqdo 23-ka Janaayo.

Hadalsame Media