Shiinaha oo mashruuc ay malaayiin Doollar ku bexeen u cafiyey dal ku yaalla Bariga Afrika (DF Somalia oo Shiinaha la kulmaysa laakiin…)

0

(Beijing) 08 Dis 2022 – Shiinaha ayaa kansalay 7.1 milyan oo dayn ah oo uu siiyey Rwanda ah oo uu dalkaasi u isticmaalay inuu ku dhiso waddada Masaka-Kabuga oo dhererkeedu yahay 6.36 kiiloomitir oo ka tirsan mashruuca hagaajinta waddooyinka magaalada Kigali ee caasimadda dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Rwanda, tillaabadan ayaa qayb ka ah go’aanka dowladda Shiinuhu ay ku baabi’isay dayn aan dulsaar lahayn oo ay dalkan ku lahayd, iyadoo la raacayo heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo kan farsamo ee labada dal.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dayn cafintani ay qayb ka tahay xirmo dhaqaale oo uu Madaxwayne Xi Jinping kaga dhawaaqay shirkii 8-aad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

“Shiinuhu wuxuu rajaynayaa, isagoo bixinaya taageeradan maaliyadeed, inuu gacan ka gaysto isbeddelka guud ee Rwanda iyo kasoo kabashada saamaynta xun ee masiibada COVID-19,” ayaa lagu yiri bayaanka.

”Mustaqbalka, waddanku wuxuu Rwanda kala shaqayn doonaa iskaashi qotodheer oo la taaban karo oo dhinacyo kala duwan ah iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka Hindisaha Belt iyo Road si loo gaarsiiyo faa’iidooyin badan labada shacab.” ayuu raaciyey Safiirka Shiinaha u fadhiya Rwanda, Wang Xuekun oo warkan soo saaray.

Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan gaarey magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qaybgalo shirka Shiinuhu uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta iyo Afrika, ayaa looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe ka badan ka qaybgalka shirar qaaradeed iyo kuwo gobol, iyadoo ay DF si gaar ah ula shiri karto Shiinaha iyo dalalka kale ee wax ku kordhin kara dalka.

Hadalsame Media