Messi oo caawa cayrsanaya rikoodh ay dhigeen laacibiin fara ku tiris ah oo isku qaaday KA, CL & Ballon d’Or (Magacyada)

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Laacibka Lionel Messi ayaa caawa doonaya inuu mar kale rikoodh barbarreeyo marka ay caawa xulkiisa Argentina ay final-ka Koobka Adduunka isku arkaan France.

Jookarkan ayaa Talaadadii 3-0 u jumleeyey dalka Croatia oo kaalinta seddexaad galay, waxaa uuna dhaliyey gool noqday kiisii 11-aad ee Koobka Adduunka, isagoo sidaa uga sare maray Gabriel Batistuta oo ahaa hogaamiyaha gooldhalinta dalkiisa ee tartanka KA.

Messi, oo 35 jir ah, ayaa sidoo kale barbarreeyey halyayga ugu safashada badan Jarmanka ee Lothar Matthaus oo Koobka Adduunka kasoo muuqday 25 kulan, taasoo ay hubaal tahay in uu jabin doono kulanka Faransiiska ee caawa haddii uu safto.

BOBBY CHARLTON

World Cup 1966 (England); European Cup 1968 (Manchester United); Ballon d’Or 1966

FRANZ BECKENBAUER

World Cup 1974 (West Germany); European Cup 1974, 1975, 1976 (Bayern Munich); Ballon d’Or 1972, 1976

GERD MULLER

World Cup 1974 (West Germany); European Cup 1974, 1975, 1976 (Bayern Munich); Ballon d’Or 1970

PAOLO ROSSI

World Cup 1982 (Italy); European Cup 1985 (Juventus); Ballon d’Or 1982

ZINEDINE ZIDANE

World Cup 1998 (France); Champions League 2002 (Real Madrid); Ballon d’Or 19

RIVALDO

World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2003 (AC Milan); Ballon d’Or 1999

RONALDINHO

World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2006 (Barcelona); Ballon d’Or 2005

KAKA

World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2007 (AC Milan); Ballon d’Or 2007

LIONEL MESSI?

Champions League 2006, 2009, 2011, 2015 (Barcelona); Ballon d’Or 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019, 2021

Laba waa qaaday, mid baa u harsan. Caawa ma qaadi karaa Koobka Adduunka?

Hadalsame Media