”Faransiiska qaarkood ayaa xitaa caawa nagasoo horjeeda” – Macallinka Faransiiska oo qiraal sameeyey

0

(Dooxa) 18 Dis 2022 – Kahor kulanka dabka iyo baaruudda ee caawa dhexsanaysa Faransiiska iyo Argentina oo wada taagan dhammaadka KA, macallin Didier Deschamps ayaa ka hadlay arrin aysan dad badani filaynin.

Wuxuu sheegay inay dad badani koobka la doonayaan Argentina iyo Lionel Messi, si ay xiddigtii seddaxaad baajka ugu qortaan beddelkii France, haddii ay qaadaan koobkii saddexaad ee Adduunka.

Deschamps oo adeegsadey caradiisiisii yara cabursanayd ayaa farata ku godey in inta badan ee daawanaysa Koobka Adduunku ay guusha la doonayaan Argentina.

“Waan ogahay in Argentina iyo dad badan oo adduunka ah, xitaa qaar ka mid ah dadka Faransiiska ihi, ay rajaynayaan in Lionel Messi uu ku guulaysto Koobka Adduunka – laakiin waxaan samaynaynaa wax walba si aan u gaarno hadafkeenna.” ayuu ballanqaaday.

Deschamps ayaase sii raaciyey in waloow ay Argies sidoo kale taageerayaal badani caawa u joogaan garoonka kuwaasoo lagu qiyaasay inay afartan kun ka badan yihiin misna aysan taageerayaasha ku dhex jirin kooxda ay wajahayaane ay iyaga garoonka la gelayaan.

Hadalsame Media