QAANSO JABAN: Filim Maraykan ah oo caan ah oo ay isu sheeko egyihiin cadaalad darrada laga sheegayo Maxkamadda Ciidamada & Silsiladda sheekadiisa

0

(Muqdisho) 18 Dis 2022 – SWORDFISH waxa uu ahaa film Action Thriller ah oo ay 2001 wada jileen John Teravolt iyo Halle Bery, waxyaalaha filimkaasi xiisaha iyo xaraaradda u yeelay waxaa kamid ah in John Teravolt oo jilaayay inuu yahay madaxa maafiyada uu talaajad ama Faranjeer ku heystay meydka qof muuqaal ahaan isaga u eg DNA-giisana ku beeray.

Markii ay xaaladdu ku adkaatay ayuu inta meydkii diyaarad saaray kadibna la qarxiyay halkaasina diiwaanka loo galiyay in laadarkii la doondoonayay geeriyooday halka isagana isaga raaxeysanayay doon nooca raaxada ah oo meel xeeb ah taagan.

Hadda qisada ninka sawirkan kore ku qodban oo Maxkamadda Ku xukuntay dil kadib eedeyn ah inuu qof dilay, qofka la dilay ehelkiisana leeyihiin ninkaan wax nagama dilin ee Askari ayuu ahaa waxii wax naga dilay, horayna askariga qoyskiisa uga wada xaajoodeen arinta laakiin dib wax iska badaleen.

Haddii ay sax noqoto dhacdadaan waxa ay caddeyn u noqoni inay Xamar ka bilaabatay marxalad cusub oo dadka masaakiinta ah loo isticmaalayo sidii kab ama spare parts lagu cimri dheereyo danbiilyaasha.

isla maanta ayaan maqlay qiso la mid ah oo ku dhacday wiil yar oo kasoo noqday wadamada dariska ah oo inta jidka laga afduubtay xabsi qarsoodi ah la geeyay qof kale lagu badalay, baarayaal ajnabi ah loo geeyay, nasiib wanaag in baarayaashii ajnabiga ahaa fahmeen xaqiiqada sida wax u dhaceen iyagiina Ilaahay ku badbaadiyay wiilkii yaraa.

W; D: Shariif Goosaar

Hadalsame Media