Warbaahinta Faransiiska oo bilowday inay ciyaar-maskaxeed la dheelaan Leo Messi

0

(Dooxa) 17 Dis 2022 – Ciyaar-maskaxeedka final-ka Koobka Adduunka ayaa durba bilowday kaddib markii uu warqaadka L’Equipe uu boggiisa hore shalay saaray sawirka Lionel Messi kaas oo ku calaamadeeyay ‘Messi Faransiis’ – laba maalmood kahor inta uusan Argentina ku hoggaaminin kulanka saaxiibkiis Kylian Mbappe iyo France isagoo hor joogan 40,000 oo taageere oo Albiceleste ah.

Wargayskan maalinlaha ah ee Faransiiska ayaa daabacay ciwaanka ‘Messi Faransiis’ (Messi Le Francais), waxayna si maldahan u sheegtay in geesiga qaranka Argentina uu sii joogi doono PSG ugu yaraan xilli ciyaareed oo kale, isagoo ku andacoonaya, si ay u beer dulucsadaan.

Yeelkeede, mustaqbalka Messi wali ma cadda, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan iyadoo durba miiska lasoo saaray inuu u wareegayo MLS ama dalkiisa hooyo oo lagu sheegay meelaha suurtogalka ah ee ciyaartoygan oo ay dad badani u arkaan inuu yahay kan ugu fiican meerahan aan saaran nahay.

Wargayska maalinlaha ah ee kasoo baxa Faransiiska ayaa qoray in Madaxwaynaha PSG ee Nasser al-Khelaifi uu fursad u helay inuu Messi kala hadlo heshiis mushahar kordhin, inkastoo 35-sano jirkani uu ku adkaystay inuu diiradda saari doono kulanka Axadda ee dhammaadka Koobka Adduunka marka ugu horreeysa.

Hadalsame Media