Kooxda Chelsea oo si rasmi ah u qaadatay laacibka la raadinayey ee Christopher Nkunku

0

(London) 17 Dis 2022 – Kooxda Chelsea  ayaa dhamaystirtay saxiixa weeraryahanka RB Leipzig Christopher Nkunku, iyadoo ciyaaryahankani uu si rasmi ah ugu biirayo Blues suuq-jiilaalka sanadka 2023-ka ee soo aaddan.

Chelsea ayaa laacibkan ku daftay adduun dhan 53 milyan ginni ah si ay ula soo wareegto weeraryahanka RB Leipzig ee aadka loo qiimeeyo.

Nkunku ayaa si aad ah loola xiriirinayey kooxda ka dhisan Stamford Bridge, iyadoo heshiis uu labada kooxood ka dhex jirey in muddo ah, inkastoo haatan uu ciyaaryahanku uu haatan heshiis la gaaray dhanka kooxda Blues sidoo kale.

Xiddigan reer France – oo laga saaray iskeediyaha Koobka Adduunka kaddib markii uu dhaawac kusoo gaarey tababarka islamarkii uu furmi lahaa tartanku – waxa uu dhaliyey 20 gool waxana uu sameeyay 15 caawin xilli-ciyaareedkii hore ee Bundesliga.

Imaanshiyaha Nkunku ayaa calaamad u ah saxiixii ugu horreeyey ee macallin Graham Potter ee Chelsea, iyadoo tababarihii hore ee Brighton uu bedelay Thomas Tuchel bishii Sebtembar.

Hadalsame Media