Hadal ay Ilhaan Cumar ka sheegtay MW Somalia oo yeeshay saamayn xooggan (Daawo)

0

(Minneapolis, MIN) 17 Dis 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa booqasho howleed ku jooga dalka Maraykanka isagoo ka qaybgalay shir aan ajende la fahmi karo lahayn oo ay yeesheen Maraykanka iyo Afrika.

Wuxuu tegey magaalada ay Minneapolis oo caasimad u ah gobolka ay Soomaalidu aadka ugu badan ee Minnesota, halkaasoo uu dadwaynaha kula hadlay munaasabad halkaa lagu qabtay.

Yeelkeede, hadal ay kulankaa ka sheegtay Ilhaan Cumar ayaa saamayn badan yeeshay iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay in MW Somalia uu halkaa tago, iyadoo sheegtay inay adeer ugu yeerto isna uu gabadhiisa ugu yeero.

Siyaasadda Somalia oo aan inta badan wax dheef ah aan u lahayn shacabka ayaa misna qabyaalad lagu sii laraa taasoo dhasha niyad xumo fara badan iyo inay dadku kala irdhoobaan, taasoo ay ka shaqeeyaan dad siyaasiyiin iyo suxufiyiin sheeganaya.

Hadalsame Media