Sweden oo soo wadda sharci ogolaanaya in deganaanshaha lagala noqdo dadkii horay loo siiyey (Goorta uu dhaqangelayo)

0

(Stockholm) 17 Dis 2022 – Dowladu ayaa waxay doonaysaa inay fududayso in Hay’adda Socdaalka ee Migrationsverket ay dadka kala noqon karto sharciga degenaanshaha iyo midka shaqada (uppehållstillstånd).

Sida ay sheegtay Maria Malmer Sternergard (M), warbixin ka soo baxday Hay’adda Socdaalka Sweden sanadkii hore ayaa tilmaantay in shaqada hay’addu aysan ahayn mid wax ku ool ah oo ku filan “inta la filayey” si ay gacan uga gaysato xaqiijinta soo galooti nidaamsan iyo kahortagga ku xadgudubka sharciyada iqaamooyinka lagu helo.

”Tani waa mid aad halis u ah. Waa in Hay’adda Socdaalku ay dib u eegtaa dadkii sidaa sharciga lagu siiyey iyadoo la eegayo inay xaq u lahaayeen,” ayay Maria Malmer Stenergard ka sheegtay shir jaraa’id oo ay wada qabteen hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee  Sverigedemokraterna, Henrik Vinge.

”Xadgudub wayn”

Henrik Vinge waxa uu qabaa inuu jiro “xadgudub ballaaran” oo ku saabsan sharciga degenaanshaha gaar ahaan dadka u yimaada waxbarashada tacliinta sare.

”Xadgudubka noocaas ihi wuxuu tusaale ahaan noqon karaa, in oggolaanshaha loo isticmaalo arrimo aan ahayn waxbarasho. Hay’adda Socdaalku waa inay dhisto qaab lagu ogaan karo arrimahaas si dib loogu yeero iqaamadaha la bixiyey,” ayuu yiri.

Waxaa uu intaa raaciyey in qorshahan oo loogu yeero ”masaafurinta aqoonta” uu higeli doono bisha Juun ee sanadka soo aaddan ee 2023 ugu dambayn.

Malmer Stenergard waxa kale oo uu ku dhawaaqay in dowladdu ay doonayso in ay qaado tillaabooyin dheeraad ah, iyo in baaritaanku dib u eegis ay ku samayn doonto in dadka lagala noqon karo ogolaanshaha joogitaanka Sweden (uppehållstillstånd), taasoo ay ku jirto iyada oo la marayo GARSOORKA Midowga Yurub.

Arrintan ayaa waxaa dabada ka riixaya xisbiga SD sida la fahamsan yahay isagoo heshiis wada shaqayneed kula jira nidaamka haatan waloow uusan ka mid ahayn xukuumadda.

Hadalsame Media