Macallinka Faransiiska oo markale jawaab dabaal-jooglayn ah ka bixiyey inuu berri ciyaarayo Karim Benzema (Daawo)

0

(Dooxa) 17 Dis 2022 – Didier Deschamps ayaa si xun u weeraray weriye ‘yaab leh’ kaddib markii uu aad uga caroodey su’aalaha ku saabsan suurtagalnimada in Karim Benzema uu ku soo laabanayo kooxda Faransiiska kaddib markii uu weeraryahanku kasoo kabsaday dhaawac.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dooxa, macallinka France ayaa u muuqda mid markale meesha ka saaray in Karim Benzema uu dib ugu soo laaban doono Les Bleus final-ka Koobka Adduunka ee ay wajahayaan Argentina Axadda.

Markii tababaraha France la waydiiyey in Benzema uu ciyaarayo ama xitaa daawasho u imanayo Qadar, Deschamps ayaa u jawaabey oo yiri: ‘Ma waxaad warkaas ku dhex faafinaysaa saxafiyiinta ajnabiga ah? Haddaanan su’aasha ka jawaabin, waxaad dhihi doontaa wuu caroodey.

“Waxaa jira ciyaartoy horay u dhaawacmay. Karim ayaa ka mid ah. Midkii ugu dambeeyey ee dhaawacmay waa Lucas Hernandez,” ayuu raaciyey.

“Kooxdii waa joogtaa. Anigu ma maareeyo martiqaadka ciyaartoyda, ciyaartoydii hore ama ciyaartoyda dhaawacantay. Marka ma garanayo qofkii berri halkaas nala joogi doona.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media