Xulka Faransiiska oo helaya khabar ay ku FARXAAN kahor final-ka Koobka Adduunka

0

(Dooxa) 17 Dis 2022 – Faransiiska ayaa helaya khabar dhiirigelin wayn leh kahor ciyaarta final-ka Koobka Adduunka ee berri ay la ciyaarayaan Argentina, iyadoo dhammaan ciyaartooydii uu fayrusku soo ritey iminka loo fasaxay inay ku soo laabtaan tababarka.

Adrien Rabiot iyo Dayot Upamecano ayaa seegay semi-finalkii ay reebeen Morocco, halka Raphael Varane, Ibrahima Konate iyo Kingsley Coman ay seegeen tababarkii labadii maalmood ee ugu dambeeyey sababo la xiriira cudurka ka dilaacay xerada xulkaasi.

Sawirro laga soo qaaday tababarkii Sabtigan ayaa muujinaya in Rabiot, Upamecano, Varane iyo Coman ay ku soo laabteen tababarka kooxda.

Shabakadda telefishanka Faransiiska ee TF1, sida laga soo xigtey Get France Football, ayaa soo werisey in dhammaan shanta laacib oo uu ku jiro Konate ay ku soo laabteen tababarkii maanta.

Rabiot and Upamecano were ruled out of the 2-0 victory over Morocco and as reported by RMC Sport have already returned to training after recovering from the illness.

Rabiot iyo Upamecano ayaa laga tebayey kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Morocco,balse sida ay ku warramayso RMC Sport durba waxay kusoo laabteen tababarka kaddib markii ay ka soo kabsadeen ”xanuunka geela.”

Hadalsame Media