RASMI: Ruushka oo cabbeeyey qaar ka mid ah gantaalaha nukliyeerka ah ee ugu waawayn ee uu haysto + Sawirro

0

(Moscow) 15 Dis 2022 – Ciidamada Gantaalaha Istiraatijiyadeed ee Ruushka ayaa todobaadkan si rasmi ah u cabbeeyey laba gantaal oo ah kuwa qaaradaha isaga kala goosha (ICBM), sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca.

Millateriga Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaalka howlgallada lagu cabaynayey gantaalahan.

Cabbaynta hubka nukliyeerka ah ayaa ka dhacday xarunta gantaalaha ee Kozelsk ee gobolka Kaluga ee bartamaha Ruushka.

Cabbaynta gantaalahan ICBM ee nukliyeerka sida waxay u baahan yihiin kaabayaal heegan ah iyo saacado badan oo leh hawlgallo adag, sida wasaaraddu ay xustay.

Gantaalka RS-24 Yars ayaa waxaa laga soo qaatay nashqaddii RT-2PM2 Topol-M waxaana laga ridi karaa kaabayaal guurguura ama dhuumaha aasan ee gantaalaha.

Gantaalkan ayaa lagu beddeley midkii UR-100N ICBM ee hore ee Soofiyeedka isagoo qayb ka ah hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka Ruushka.

Yars ICBM waxa uu awood u leeyahay inuu qaado madaxyo badan oo nukliyeer ah waxaana lagu qiyaasaa inuu gaari karo masaafo dhan 11,000km.

Hadalsame Media