Ruushka oo kashifay waxyaabo ay si hoose uga qaataan dalalka cunaqabateeyey ee Midowga Yurub & Digniin uu dirayo

0

(Hadalsame) 16 Dis 2022 – Wadamada Midowga Yurub ayaa sanadkan sare u qaaday soo degsiga badeecooyinka laga keeno Ruushka in kasta oo ay jiraan cunaqabatayn badan oo uu isla ururku kusoo rogey Moscow, sida uu shalay sheegay Madaxwayne Vladimir Putin.

Intii lagu guda jirey kulankii uu la yeeshay Golaha Horumarinta Istaraatijiyadeed iyo Mashaariicda Qaranka, Putin wuxuu ku dooday in Midowga Yurub uu sii wado isticmaalka alaabta Ruushka, laakiin uu diiddan yahay inuu wax soo saarkiisa keeno Ruushka. Sida laga soo xigtey Madaxwayanahana, xaaladdani “iskagama sii socon karto si aan waqti lahayn” sidaas darteed Ruushku wuxuu raadsan doonaa jaal iyo macaamiil cusub.

“Waa arrin xiiso leh in arkay in, inkastoo ay jirto cunaqabataynta, sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sanadkan, misna alaabada aasaasiga ah ee Ruushka ee tagta Midowga Yurub ayaa korortay 1.5 jeer. Guud ahaan, halka dhoofinta guud ay korotay 42%, dhanka dakhliga ganacsiga ayaa isna sare u kacay 2.3 jeer, isagoo gaarey ilaa $138 bilyan oo Doollar,” ayuu yiri Putin.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey guud ahaan dhoofinta badarka dalkaasi, isagoo saadaaliyey inay gaareen ilaa 50 milyan oo tan sanadkan 2022-ka, dhoofinta agabka bacriminta ayaa horraanba kor u dhaaftay 25 milyan oo tan.

Hadalsame Media