Kooxda Real Madrid oo caddaysay mowqifkeeda ku aaddan inay Benzema u ogoshay inuu Axadda dheelo & In kale

0

(Madrid) 15 Dis 2022 – Kooxda Real Madrid ayaa lagusoo waramayaa in aysan Karim Benzema ka hor istaagi doonin inuu u duulo dalka Qadar si uu ugu ciyaaro France final-ka Koobka Adduunka 2022 iyadoo la isla dhexmarayo in weli loo yeeri karo maadaama uu ku jiro iskeediyaha xulka.

Laacibka ku guulaystey Ballon d’Or waxaa ka dhaawacmay muruqa bowdada kahor tartanka wayn ee adduunka, waxaana dib loogu soo celiyey magaalada Madrid si uu ugasoo kabsado dhaawicii soo gaarey, inkastoo weeraryahanka aan lagu bedelin laacib kale.

Weeraryahankan waxa uu ku soo laabtay tababarka horraantii todobaadkan kahor inta uusan sidoo kale ka qaybqaadanin kulanka saaxiibtinimo ee Los Blancos ay la ciyaartay kooxda Leganes horraantii maanta.

Benzema ayaa xirtey calaamada kabtannimada kulankaasi oo ay barbarro 1-1 ah ku kala baxeen kooxda kale – oo ay sidoo kale ciyaareen David Alaba, Toni Kroos, iyo Lucas Vazquez – taasoo dhiirrigelin u noqon karta France kahor finalka Axada ee Argentina.

Yeelkeede, tababaraha France ee Didier Deschamps ayaa maanta si aan kala caddayn uga jawaabey markii la waydiiyay in Karim Benzema uu ka soo muuqan karo final-ka Koobka Adduunka – isagoo inta neef jiidey kaddib yiri ‘su’aasha xigta’.

Hadalsame Media