Maraykanka oo qaaday tillaabo aysan jeclaan doonin Dowladda Turkigu + Sawirro

0

(Hadalsame) 15 Dis 2022 – Qarsoodi ma aha in Turkigu uu la dagaallamo kooxaha ka kooban Kurdiga gooni-goosadka ah ee dalkaasi kuwaasoo ugu calaamaysan kooxo argagixiso ah, iyagoo qaraxyo ka sameeya gudaha Turkiga.

Kooxahan ayaa waxaa ka mid ah YPG/PKK oo ay Turkiga marar badan iskula dhacaan reer Galbeedka oo waloow ay kooxahani liiska argagixisada ugu jiraan Maraykanka iyo EU misna hub iyo farsamooyin kale ku taageera.

Haatan Maraykanka ayaa markale ku dhaqaaqay tillaabo ay si aad ah uga carootey Ankara kaddib markii uu hub culus u diray kooxaha YPG/PKK.

Kolonyo ciidan oo ka kooban 40 baabuur iyo 90 tikniko ah iyo hub kale ayuu u diray kooxda YPG/PKK ee Suuriya. Waxaa la sheegay in kolonyadani ay siddo hub isugu jira rasaas, madaafiicda culus, hoobiyeyaal, raadaarka difaaca hawada iyo hub kale.

Hadalsame Media