Mbappe oo taageere wejiga ku dhuftay intaysan bilaabay ciyaartii xalay & Wixii uu sameeyey + Muuqaal

0

(Dooxa) 15 Dis 2022 – Laacibka Kylian Mbappe ayaa waxa uu raalligeliyay taageere Faransiis ah kaddib markii uu  ku dhuftay darbo habow ah xilli uu isku diyaarinayey kulankii ay xalay Marooko kaga badiyeen.

Mbappe ayaa isku diyaarinayay ciyaartii semi-finalka Koobka Adduunka ee France ay kula ciyaartay Morocco garoonka Al Bayt Stadium, iyagoo haatan Axadda wajihi doona xulka Argentina oo finalka la taagan.

Ha yeeshee, Mbappe, ayaa intii uu is kululaynayey, waxa uu u muuqdey mid si khaldan kubadda ugu toogtey tarabuunka taasoo wejiga kaga dhacday taageere Faranji ah.

Mbappe ayaa markaas kaddib u tegey taageerihii si uu u hubiyo inuu fiican yahay islamarkaana uu u raalligeliyo.

Hadalsame Media