Macallinka Faransiiska oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey in Karim Benzema uu ciyaari karo final-ka (Daawo)

0

(Dooxa) 15 Dis 2022 – Tababaraha France ee Didier Deschamps ayaa si aan kala caddayn uga jawaabey markii la waydiiyay in Karim Benzema uu ka soo muuqan karo final-ka Koobka Adduunka – isagoo inta neef jiidey kaddib yiri ‘su’aasha xigta’.

Xulka  Les Bleus ayaa iska xaadirisay final-ka Koobka Adduunka oo ay Axadda la ciyaarayan Argentina kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Morocco habeenkii xalay ahaa – waxaana goolasha u kala dhaliyay Theo Hernandez iyo Randal Kolo Muani – laakiin waxaa jirtey hadalhayn badan oo ku saabsan in Benzema uu samayn karo soo noqosho cajiib ah tiiyoo uu dhaawac ku seegay tartanka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Real Madrid ayaa dhowaan ku soo laabtay tababarka gaar ahan Arbacadii, waxana uu weli u diiwaan gashan yahay kooxda France – sidaa darteed waxa uu door ka ciyaari karaa final-ka hadii uu ku guulaysto inuu jir usoo kabsado ciyaartan wayn.

Deschamps ayaase u muuqda mid ka caroodey su’aasha soo laabashadiisa isagoo markii hore indhaha isku qabtay oo dhabannada taabtay, kahor inta uusan dhihin ‘ma doonayo in aan ka jawaabo su’aashaas,’ xilli uu muujinayo dhoolla-cadaynayn aan kal iyo laab ahayn isaga oo si deg deg ah u leh: ‘Su’aasha xigta.

Hadalsame Media