Cudur ku dhex fidaya Xulka Faransiiska & Magacyada 3 laacib oo muhim ah oo qaaday (Muxuu yahay?)

0

(Dooxa) 15 Dis 2022 – Macallinka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa xaqiijiyey in Kingsley Coman uu noqday ciyaaryahankii seddexaad ee Faransiis ah oo la ildaran fayraska ‘geela’, kaddib Adrien Rabiot iyo Dayot Upamecano oo durbaba la dagaallamaya taam ahaanshahooda kahor final-ka Koobka Adduunka ee Axadda ay ku wajahayaan Argentina.

France ayaa soo afjartay safarkii sheeko-xariiradii Koobka Adduunka ee Morocco kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen semi-final-ka Arbacadii xalay, waxaana goolasha u kala dhaliyey daafaca bidix ee Theo Hernandez iyo Randal Kolo Muani oo bedel kusoo galay.

Rabiot iyo Upamecano, oo saf joogto ah ku lahaa kooxda Deschamps ilaa semi-final-ka, ayaa lagu khasbay in ay ka fadhiyaan ciyaartii xalaytoole ee Atlas Lions markii ay la xanuunsadeen wax u astaamo eg hargabka oo la yiraahdo ”cudurka geela.”

Faransiiska ayaa ka walaacsan fayraskan loo yaqaan ‘caabuqa geela’ waxayna laacibiintii hore sida Rabiot dejiyeen hoteel gaar ah, si aysan ciyaartoy kale ugu waayin cudurkan kahor kulanka muhimka ah, balse wuu sii fidayaa.

Hadalsame Media