Laba laacib oo ka tirsan Faransiiska oo loo qoonsaday inay la dabbaaldegaan xulka kaddib markii lagu dhegey (Daawo)

0

(Dooxa) 15 Dis 2022 – Laacibiinta Jules Kounde iyo Ibrahima Konate ayaa awoodi waayey inay ku soo biiraan dabaaldegga xulkooda kaddib guushii 2-0 ee Arbacadii ay ka gaareen Morocco, iyadoo labada laacib lagu khasbay in lagu sameeyo baaritaan daroogada la xiriira.

Xilli ay kooxda inteeda kale ee Les Bleus ay u dabaaldegaysey gaaritaanka final-kii labaad oo xiriir ah, labo ka mid ah daafacyadooda ayaa loogu yeeray baaritaannada kahortagga doping-ka, taasoo uu laacibka Barcelona ee Kounde uu ku tilmaamay ‘wax lagu qoslo’.

Muuqaal ay soo dhigay Twitter-ka RMC Sports ayaa muujinaya, Konate oo la maqlayo isagoo ku leh saaxiibkiis: ‘Doping!!? xitaa ma dabbaaldegi karo, hey?!!

Kounde iyo Konate labaduba waxay ku jiraan xulka France, kuwaas oo ballansaday kulan adag oo ay Argentina ku arkayaan Axaddii, laakiin Didier Deschamps waxa uuna ku adkaystay in kooxdiisu ay awoodi doonto inay samayso ‘wax kasta oo suurtogal ah’ si ay u xaddiddo saamaynta jookarka Lionel Messi.

Sida uu dhigayo sharciga FIFA ee kahortaga maandooriyaha, waxa ay maamulku xaq u leeyihiin inay baaraan ciyaaryahan kasta oo ka qaybgelaya tartanka FIFA, haddii lagu helana waxa ay keeni kartaa cawaaqib xun, sida ganaax abadi ah.

Hadalsame Media