Neymar Jr oo faafiyey farriimihii ay Brazil isku dhaafsadeen WhatsApp-ka (Maxay isu sheegeen?)

0

(Hadalsame) 12 Dis 2022 – Laacibka Neymar Jr ayaa bulshada la wadaagey farriimo qiiro leh oo uu u diray saaxiibadiis Brazil kaddib markii ay si lama filaan ah uga hareen Koobka Adduunka oo ay u qoonsatay Croatia, isaga oo isku deyaya in uu la dagaallamo sheegashada ah inuu qaybsanaa xulkiisu.

Xulka Brazil ayaa waxaa 4-2 rigoorayaal ah kaga badisay Croatia markii ay isla dhaafi waayeen 1-1 waqtigii dheeriga ahaa kaddibna la isku mari waayey, iyadoo Marquinhos iyo Rodrygo ay khasaariyeen rigoorayaal.

Neymar, oo dhaliyey waqtigii dheeriga ahaa si uu usoo gaaro Pele oo dhaliyey 77 gool isaga oo ahaa gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan Brazil, ayaa waxa uu faafiyey wadahadalkii uu la yeeshay Marquinhos, Rodrygo iyo qawaarka Thiago Silva kaddib markii ay hareen – inkasta oo aanu ogolaansho ka haysan.

Neymar oo Instagram-ka ugu sharaxay in haritaankani uu macwani ahaan si xun u saameeyey ayaa sheegay in “Go’aanka uu farriimahan shaaciyey ( fasax la’aan) ay tahay si uu u muujiyo ilaa iyo intii ay rabeen (ku guuleysiga Koobka Adduunka) iyo sida ay u midaysnaayeen.”

MAXAA KU QORNAA?

Waxaa WhatsApp-ka uu Instagram ku faafiyey, ku yiri: ‘Sidee tahay? Waxaan kuu sheegayaa inaan ahay taageerahaaga. Hal rigoore ma beddeli doonto sida aan adiga kugu dareemayo. Mar walba waan kula jiraa, waadna ogtahay taas, waan ku jeclahay.’

Marquinhos ayaa ku jawaabey: ‘Haye walaal, wax yar ayaan soo fiicnaanayey, kaliya waxaan siinayaa waqti aan kaga soo kabsado waxaas oo dhan! Adiguna? Sidee tahay? Waad ku mahadsan tahay farriinta iyo sida aad aniga iiga fikirtey, nin aad u yaab badan ayaad tahay, waxaan doonayey inay wax walba si fiican u socdaan.

“Waa wax laga xumaado in in rigoorahaasi uu caqabad ku noqday riyadeenna! Laakiin aan horay u soconno, waa inaan xoog yeelannaa, waqtigu ha gudbo deeto aan aragno waxa ay kubada cagtu noo hayso.’

Neymar ayaa markaas ku jawaabey: “Taasi waa fikirkayga saxda ah, waqti sii… in ka badan qof kasta oo kale anigaa og in wax walba ay gudbayaan, waqtiyada wanaagsan iyo kuwo xunba…

‘Adkayso, la raaxayso qoyskaaga oo xusuusnow in aanan ahayn qof aad meel wada joogteen oo kaliya balse aan ahay saaxiib waxaanan rabaa in aad dareento wanaag, waan ku jeclahay waanan wada soconaynaa.’

Marquinhos ayaa si cad u qadarinaaya hadalka wanaagsan ee saaxiibkiis, ayaa wuxuu muujiyey sida uu ula dhacsan yahay Neymar. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Taasi waa run walaal, waxaan ognahay wixii na soo marnay si aan halkan usoo gaarno, wixii aan la kulannay maalmihaas oo dhan, taasina waa sababta aan aad ula xanuunsanyo.

”Xanuunku aad buu u xoog badan yahay laakiin Ilaahay waa og yahay wuxuu samaynayo; haddii uu tan i siiyey si aan u wajaho, waa inuu og yahay inaan ka gudbi karo. Waxaad tahay nin la yaab leh, si dhab ah! Anigu waxaan ahay taageerahaaga, mahadsanid, sidoo kale wanaag ayaan kuu rajaynayaa, waxaana isku baahan doonnaa dagaallada soo socda, aad ayaan kuu jeclahay.’

Hadalsame Media