Laba kooxood oo dano kala duwan leh oo doonaya inay dun-siibaan Sacdiyo Samatar (Waa kuwee maxaase iyada la gudboon?)

0

(Hadalsame) 12 Dis 2022 – Xil. Sacdiyo Yasiin Xaaji (Samatar) oo sidoo kale ah Guddoon Xigeenka Baarlamanka DF Somalia, waa siyaasiyad tusaale wanaagsan u ah fashilka iyo karti xumada siyaasadda Somalia oo weliba ugu yaraan labadii mudo-xileed ee ugu dambeeyey heer ahaan aad hoos ugu sii dhacaysey.

Sababta aan sidaa u leeyahay dad badani dabcan waa ogyihiin haddii aan sii firana waa inaanu jirin wax hab-raac, shuruudo, iyo nidaam ah oo loo cuskado inuu qofku xil ka qabto Somalia, marka laga reebo inuu jiro qof uu daacad u yahay oo xil u dhiiba ama isaga oo xig haya oo xildhibaanno laaluusha.

Haddii aan Sacdiyo usoo laabto, runtii waxay dhex istaagtey moowjad ay hoggaaminayso duufaan wilwilo ah iyadoo kasoo faniintay rukunka loo yaqaan dakhalka ee shiraaca u haya dooni abuu shiraac ah oo maraysa badwayn mugdi ah oo ay dabayshu waddo markii ay lasoo istaagtey hadallo aan miisaannayn oo ka tarjumaya heerkeeda, balse waa waxa meesha lagu hayee kaligeed ku eedayn mayno.

Aan firo moowduucee, Sacdiyo waloow ay xoogaa talax-tag ah samaysay ayna u baahan tahay inay ka toobad keento dadkana u cudur daarato, misna marka aan eego xamxamta socota ee ku aaddan in lala kaco, waxaa haysta laba qolo oo aanu midkoodna diin u dirir iyo diin difaacid ku haysanin.

1 – Kooxda koowaad waa guruub uu gadaal ka taagan yahay MW Puntland ee Deni oo Sacdiyo u arka fallaago aan falaggiisa ku jirin, sidaa darteed, mudan in meesha laga tuuro maadaama uusan saamayn ku lahayn.

2 – Kooxda labaad, waa kooxdii Nabad iyo Nolol oo laba sababood oo waawayn u cayrsanaya Sacdiyo:

a) Inay u arkaan cod iyaga lid ku ahaa oo muddo dheer gadaashooda ka shimbira waaqlaynayey, sidaa darteed, waxay adeegsanayaan murtigii ahayd ”god bay iigu jirtaaye godinta ii keena.”

b) Ujeeddo kale oo ay ka leeyihiin cayrsiga Sacdiya waa inay furaan xasarad siyaasadeed oo qabsata nidaamka Dam Jadiid oo aan u muuqan koox abaabulan oo odoros iyo qorshe u degsan yahay ama woxoodu ka badan yihiin siyaasad maalin mood ah, waxaa ka daacad ah inay waxqabadkooda kusoo dareen ”Xulka Junyarka ayaa koob qaaday”, marka haddii aan taagerayaasha N&N u noqdo waxay doonayaan in ridista Sacdiyo ay u noqoto furitaanka sanduuq gooryaan ka buuxo oo ay halkaa ka ambaqaadaan mooshinno wareersan oo marba qof lagu taagto.

Ugu dambayn, haddii waxa Sacdiyo lagu haysto aysan ahayn xisaabtan ku saabsan hadalkii ay sheegtay ma mudna in dad dano kale lihi ay diin ugu gambadaan, sidoo kale, iyada waxaa la gudboon inay fudaydka ka muuqda iyo madax adaygga uu wato inta iska dayso ay raalligelin bixiso mustaqbalkana ay ka taxaddarto moowjadaha ka kici kara meelaha ay kalluumaysanayso.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media