(Odessa) 12 Dis 2022 – Sweden ayaa caddaysay inaysan doonayn inay Ukraine siiso diyaaradaheeda dagaalka ee Saab JAS 39 Gripen ee casriga ah, sida uu caddeeyey Wasiirka Difaaca Pol Jonsson maanta.
Kiev ayaa hore u sheegtay inay jeclaan lahayd inay diyaarado casri ah ka hesho taageerayaasheeda reer Galbeedka ah oo ay ku jirto Stockholm.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen dhiggiisa Ukraine, Aleksey Reznikov, kaasoo ka dhacay magaalada Odessa, Jonson ayaa la waydiiyey inuu faallo ka bixiyo haddii diyaaradaha Gripen ee ay Sweden samayso ay Kiev u adeegsan karto colaadda Moscow.
“Ma jiro qorshe dhow oo Gripen loogu dirayo Ukraine. Waxaan rabaa inaan caddeeyo taas, laakiin waxaan u malaynayaa inay tahay diyaarad aad u wanaagsan, “ayuu yiri, isaga oo warfidiyeenka ugu faanay in dhowr waddan oo EU ihi ay adeegsadaan diyaaradahan.
Inkastoo Reznikov uusan soo bandhigin mowqifkiisa arrintan ee ku aaddan hadalka Sweden, misna waraysigiisii Oktoobar ee Politico, wuxuu rajo ka muujiyey in Kiev ay ugu dambayntii heli doono qalab millateri oo casri ah oo reer Galbeedku sameeyeen.
“Waan hubaa in [daabulitaanka] diyaaradaha dagaalka sida F-16, F-15, ama Gripen-ta Iswidhan ay sidoo kale suurtagal noqon doonto inaan helno.” ayuu yiri waqtigaas.


Hadalsame Media