”Waan baaraynaa” – Ingiriiska iyo dalal kale oo Galbeed ah oo Qadar ku eediyey inay ”basaasnimo” kula kacday taageerayaasha (Magacyada Apps la sheegay in…)

0

(Dooxa) 11 Dec 2022 – Laba app oo rasmi ah oo loogu tala galay Koobka Adduunka ah ayaa waxaa qiimeeynaya hay’adda ilaalisa xogta UK walaac laga qabo in mas’uuliyiinta Qadar ay si qarsoodi ah u basaaseen taageerayaasha England dartii.

Xafiiska Waaxda Warfaafinta ayaa baaraya “saamaynta suurtagalka ah ee ay arrintani ku yeelatay xuquuqda gaarka ah ee muwaadiniinta UK” ee ka imanaya laba app oo ay fasaxeen dowladda Qadar iyo guddiga Koobka Adduunka.

Taageerayaasha England ee u safray Qadar ayaa loo sheegay inay soo dejiyaan barnaamijyadan “Ehteraz” iyo “Hayya” si loogu oggolaado gelitaanka garoonka iyo la socodka tallaalka Covid.

Balse khubarada dhanka amaanka ah ayaa soo jeediyey in apps-kani ay si qarsoodi ah ugu ogolaadaan mas’uuliyiinta Qadar inay aruuriyaan macluumaadyada xasaasiga ah, sida la socdaan sawirada iyo muuqaallada ku jira telefoonka qofka, iyo dhegeysiga taleefoonnada.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Warfaafinta ICO ayaa sheegay in ay “ka warqabaan” walaacyada ku xeeran app-kan ayna “tixgalin doonaan saamaynta ay ku yeelan karto xuquuqda gaarka ah ee muwaadiniinta UK”.

“Haddii qof uu ka walaacsan yahay sida xogtiisa loo maareeyey, waxay usoo dacwoon karaan ICO,” ayuu afhayeenku ku daray.

Dhanka kale, nidaamiyeyaasha xogta Yurub ayaa horay cabasho badan uga sameeyey labada app iyadoo ay jiraan sheegashooyin ku aaddan in laga yaabo inay ururinayaan macluumaadka gaarka ah.

Muwaadiniinta Faransiiska iyo Norway ayaa xitaa loo sheegay in haddii ay Qadar tagaan ay apps-kan ku dejiyaan telefoonno gaar ah oo aanay xogo badani ugu jirin.

Hadalsame Media