Weriyihii 2-aad oo ku dhintay Qadar isagoo tebinaya Koobka Adduunka (Tuhun jira?)

0

(Dooxa) 11 Dis 2022 – Weriye kale ayaa ku dhintay dalka Qadar intii uu socdey Koobka Adduunka. Waa Khalid Al Misslam, oo ahaa sawir qaade ka tirsanaa kannaalka Qadariga ah ee Al Kass TV.

Sababaha dhimashada, hadda lama garanayo. Sidoo kale isna waxa uu geeriyoodey isaga oo ka qaybqaadanaya tartanka Ciyaaraha Adduunka ee Bariga Dhexe ka socda.

Waxaa ka horreeyey saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalka Maraykanka ee Grant Wahl, kaas oo geeriyoodey isagoo tebinaya ciyaartii u dhaxaysey Argentina iyo Holland oo uu ka daawanayey qaybta warbaahinta.

DOOD TAAGAN – Geeri aan la macnayn karin ayaa lagu tilmaamay tii Wahl, sida uu ku doodayo walaalkiis oo yiri: “Laakin xanuunkee, waa la dilay walaalkay.”

Wuxuu gocanayey mudaaharaadkii weriyaha dhintay oo ka tirsanaa CBS kaasoo maalmo kahor xirtey funaanad qaanso-roobaad ku xardhan tahay isagoo difaacaya kooxaha LGBT.

Hadalsame Media