”Car i qabo!” – Maxaa kala qabsaday Kylian iyo daafaca Kyle Walker oo ballanqaaday inuu raacayo (Daawo)

0

(Dooxa) 11 Dec 2022 – Laacibka Kylian Mbappe ayaa waxa uu muujiyey inuusan celin karin daafaca Kyle Walker intii lagu jirey ciyaartii France ay guusha ka gaareen England isaga oo daafaca ku garaacay tartan cagta la maalayo isaga oo kubadda haysta.

Wax badan oo warar ah ayaa laga sameeyey dagaalkii aadka loo wada sugayey ee u dhaxeeyey labada ciyaaryahan, oo labaduba caan ku ah inay orod miiran yihiin, kahor ciyaartii sideed-dhamaadka Koobka Adduunka Sabtidii.

Laacibka reer France, oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka haatan socda, ma uusan beegsan shabaqa ciyaarta, laakiin wuxuu dhiibaato ugu fillaaday daafaca Walker, waxaana uu ku guulaystey inuu dhowr jeer dhaafo ninkan 32-sano jirka ah.

Hal muuqaal oo gaar ah ayaa muujinaya Mbappe oo si dhib yar u dhaafaya daafacan, isaga oo si caqli ah balse orod ku jiro u maraya, kahor inta aanu kubbada la soo galin xerada ganaaxa taasoo ay ka khasaariyeen Olivier Giroud iyo Ousmane Dembele.

Hadalsame Media