”Waa diidey!” – Ronaldo oo qaaday tillaabo kale oo ay doodi ka dhalatay (Yaa ku wehliya?)

0

(Dooxa) 11 Dec 2022 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa diidey inuu ku laabto caasimadda dalkiisa ee Lisbon Axaddan maanta ah kaddib markii uu dalkiisu kusoo haray wareega 8-da ee Koobka Adduunka Qadar 2022 iyagoo ku baxay gacanta Morocco.

Ronaldo waxaa wehlinaya sagaal laacib oo kale oo sii joogaya dalka Qadar, kaddib markii FA-ga Portugal ay ku dhawaaqeen in 14 ciyaartoy oo kaliya ay ku laabanayaan caasimadda qaranka kaddib guuldarradii taariikhiga ahayd ee Sabtigii 1-0 looga adkaaday.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, waxaa Khaliijka lasii joogaya Bernardo Silva, Bruno Fernandes, Diogo Dalot, Ruben Neves, Rui Patricio, Raphael Guerreiro, Rafael Leao, Joao Cancelo iyo Maheus Nunes.

Ciyaartoyda dalkaasi oo caadiyan ka koobnaa 26 ciyaaryahan, Danilo Pereira iyo Nuno Mendes ayaa mar hore dhaawac kaga baxay, iyagoo tartanka kaga tegey 24 ciyaaryahan – 14 ka mid ah ayaa waxay hadda ku soo laaban doonaan Lisbon saacaddu markay maxalli ahaan tahay 5:15 galabnimo Axaddan.

Si kastaba, waxay Ronaldo u ahayd xaaladdii ugu xumayd ee uu tartan uga qaybgalo, isagoo gurigiisa ku laabanaya koox la’aan kaddib markii la fasaqay heshiiskiisii Manchester United taasoo ka dhalatay waraysigii qiirada badnaa ee uu la siiyey Piers Morgan.

Intii uu joogey KA laftiisa Ronaldo ayaa marar kale qabsaday cinwaannada dhowr jeer.

Ugu horrayn waxaa lagu dhaleeceeyey qaabkii uu ku helay rigoore uu ka dhaliyay Ghana ciyaartii furitaanka Group-ka, kahor inta uusan sheegan gool ka dhashay Uruguay taasoo la xaqiijiyey inuusan weligiiba taaban.

Hadalsame Media