Isbarbardhig & su’aalo ku saabsan: Kornayl Fu’aad Yuusuf oo musqul lagu xabisay iyo Jen. Saadaq Joon

0

(Hadalsame) 08 Dis 2022 – Isbarbardhig & su’aalo ku saabsan: Kornayl Fu’aad Yuusuf iyo Jen. Saadaq Joon

Fu’aad Yuusuf Cali, waxa uu ahaa kornayl ka tirsan Ciidanka Cirka ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxa uu ka aragti duwanaaday Kaligii-Taliyaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidaa daraadeed, waxa uu mutaystay in uu lumiyo dhammaan xuquuqihii sarkaalnimo, muwaadinnimo iyo bani’aadminnimo. Goortii dad ugu dambaysey waxa uu muuqaal kasoo duubay musqul/suuli dhexdeeda isaga oo jidh’kiisu googo’an-yahay kaddib markii musqul bahallo yaryari ka buuxaan xabsi looga dhigay.

Saadaq Cumar Joon, waxaa Jeneraal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ka dhigay Farmaajo. Isaga oo ah Taliyaha Booliiska ee Gobalka Banaadir ayuu sameeyay wax u ekaa ”Afgembi yar” isaga oo hay’adda ugu sarraysa dawladnimada Soomaaliya (Baarlamaanka) joojiyey kulankoodii.

Shir jaraa’id oo uu kaddib qabtay ayuu mowqifkiisa ku caddeeyey islamarkaana dagaal jabhadayna ka billaabay Xaafadaha Muqdisho. Saacadaha soo aaddan – haddii Alle idmo – waxaa magaalada Jabuuti loogu qaban doonaa aroos-wayn; waxaana gabadhiisa siin doona Kaligii-taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Bal iswaydii: Maxaa Kornayl Fu’aad xuquuqdiisii Jabuutiyaannimo baabi’iyey oo musqul hoy uga dhigay? Maxaa se Saadaq Joon isugu daray gabadha Madaxwaynaha, Baasboorka Jabuuti iyo dabcan Qasri-wayn?! Si mug leh bal u fiiri nuxurka sheekadaa iyo waxa ku hoos duugan? Maxaa meeshaas ku jira?

Si kale, Saadaq Joon haddii uu Jabuuti ka samayn lahaa, wixii uu Muqdisho ka sameeyey; maanta ifka ma joogi lahaa? Geeridiisa mala ogaan lahaa? Maydkiisa se ma la arki lahaa?

W; Q: Ismaaciil Cali Ismaaciil

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media