KASHIFAAD: Ronaldo oo ku gooddiyey arrin xulka dhaawici lahayd kaddib markii uu kulan ”xiisadaysan” la yeeshay macallinka Portugal

0

(Hadalsame) 08 Dis 2022 – Warbixinno qarxis ah oo ka soo baxaya xerada Portugal maanta ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu diyaar u ahaa in uu ka dhaqaajiyo xulka qarankiisa inta uu weli ka qaybgelayo Koobka Adduunka kaddib markii uu ogaadey in laga saaray shaxdii hore XI ee kulankii Switzerland.

Xiddigii hore ee Man United  ayaa hareeyey diyaargarowgii ciyaarta ee macallin Fernando Santos kaddib markii ay kala dhinteen kooxda Old Trafford – laakiin qaab-ciyaareedkiisa liitey ee dalkiisa, oo ay weheliso dhibaatooyinka habdhaqankiisa ee xerada tababarka, ayaa horseeday xiisad ka dhex aloosanta isaga iyo macallinkiisa.

Warqaadka Portuguese-ka ah ee Record ayaa sheegay in halyeeygan weerarki uu doonayey inuu boorsooyinkiisa ka xir’xirto oo uu ka tago Koobka Adduunka kaddib markii uu wadahadallo adag oo ”xiisadaysnaa” la yeeshay Santos, kaasoo dhegahiisa ku dhibciyey inuusan kasoo muuqan doonin safka hore ee kulankii wareegga 16-ka.

Ronaldo ayaa gadaal kasoo galay kulankaasi oo ay Portugal 6-1 ay ku xasuuqeen Swiss-ka laakiin kaddib waxa uu kaligii ka baxay halka inta kale ee ay isku kooxda yihiin ay u dabbaaldegayeen usoo gudubka 8 dhamaadka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay inuu markii dambe ”yara miyirsaday”, oo uu garwaaqsaday ‘muhiimadda iyo deg degga’ ay xaaladdu leedahay si loo xasiliyo xerada xulka Portugal oo aan xilli xun xiisad loo abuurin xilli uu kulan adagi soo fool lahaa, ‘wuxuuna si dhaqse ah u beddeley mowqifkiisa’.

Hadalsame Media