Wuxuu u yimid xaaskiisa oo ilmihii seexisey kaddib wuxuu faray…. (Qiso micne badan)

0
(Hadalsame) 08 Dis 2022 – Nin ayaa usoo galay xaaskiisi salaadii Cishaha kaddib, wuxuuna arkay carruurtii oo hurdey.

Wuxuu ku yiri xaaskiisi: Caruurta ma dukadeen? Waxay ku tiri: May haysan wax ay ku casheeyaan, waxaana ku sasabay iney xili hore hurdaan.

Wuxuu ku yiri: Ka kici ha dukadaane. Waxay ku tiri: Haddaan ka kiciyo baahi ayay la seexan waynayaan oo way ooynayaan. Wuxuu ku yiri: xaaskaygaay, Ilaahey wuxuu i faray in aan salaadda faro ehelkAyga, risqigoodana ALLE dhankiisa ayuu ahaaday, ka kici Ilaahey wuxuu u qoro oo arsaaqad ah ma waayayaane.

Alle (sw) wuxuu qur’aankiisa ku leeyahay:
(وأمر أهلك بالصلاة واصطبر عليها لا نسألك رزقا نحن نرزقك والعاقبة للتقوى).
Way ka kicisay caruurtii oo waxay dukadeen salaadi Cishaha.
Markay salaaddi ka baxeen ayaa lasoo garaacay albaabkii guriga.
Waaba qof sida saxan buuxa oo hilib iyo raashin bisil ah.

Ninkii caruurta dhalay ayaa yiri: Waa qofma Walaal?

Wuxuu ugu jawaabay: Nin mas’uul ah ayaa ii yimid waxaana u sameeyey casho sharaf balse intaan cashadii la gurin ayaan is maandhaafnay oo wuu iga xanaaqay wuxuuna ku dhaartay inuusan cashada cunayn, anna waan soo qaaday cashadi maadaama ay badan tahay, waxaana go’aansaday in aan geeyo meesha ay lugahaygu i geeyaan, waxaana is arkay anigoo albaabkaaga ku hakaday oo hortaagan.

Ninki ayaa intuu farxay uu gacmaha kor u taagay ayuu dhahay:
(رَبِّ اجْعَلْنِي مُقِيمَ الصَّلاَةِ وَمِن ذُرِّيَّتِي رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَاءِ)

”Ilaahoow iga yeel mid salaadda ooga duriyaddeydana kayeel rabiyoow ducada naga aqbal insha Allah.”

Fadlan wallayaal ku dadaala sidii caruurta loo bari laha inay dukadaan salaadda oo ah waxa ka dhexeeya iyaga & Rabigooda insha Allaah!

Jizakumullah

W; D: Abuukar Gaab

Hadalsame Media