Tillaabo ay qaadeen 5 laacib oo ka tirsan Xulka Belgium markii ay hareen oo lala yaabban yahay

0

(Dooxa) 03 Dis 2022 – Shan xubnood oo ka tirsan xulka Belgium ee ka qaybgalay Koobka Adduunka ayaa si gaar ahaan u ballansaday duulimaadyo gaa ah oo ay ku tagaan dalkooda si ka gooni ah saaxiibbadood oo laftoodu ka laabanayey Qadar, kaddib markii ay isku dhaceen qaar badan oo ka tirsan laacibiinta xulka.

Waxaa laacibiinta kaligood iska dhaqaajiyey ka mid ah Thomas Meunier, Axel Witsel, Jeremy Doku, Arthur Theate iyo Lois Openda kuwaasoo kharashka duullimaadyada iskaga bixiyey si iskood ah, sida uu qabo warqaadka Beligium kasoo baxa ee Het Laatste Nieuws.

Wargayska ayaa intaa raaciyey in shanta ciyaaryahan ay goor hore gaareen Brussels, xilli xulka intiisa kale la filayey inay halkaa ka degaan fiidkii shalaytoole.

Safarkan ayaa soo afjaray ololihii niyad jabka ahaa ee xulkan oo kaalinta labaad uga jira qiimaynta FIFA oo kaalinta seddaxaad ka galay Guruubka F, inkasta oo ay ku jiraan xiddigo caan ah oo ay ka mid yihiin xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne, goolhayaha Real Madrid Thibaut Courtois iyo weeraryahanka Inter Milan Romelu Lukaku.

Waraysi uu daabacay wargayska The Guardian kahor kulankii Belgium ay la ciyaareen Morocco, ayuu De Bruyne kaga dayriyey  fursadaha guuleed ee qarankiisa isagoo ku andacoonaya in kooxda Roberto Martinez ay ‘qawaarro’ waawayn yihiin.

Hadalsame Media