Muxuu yahay runta aanad jeclaysan doonin ee ku saabsan soo celinta Somali Airlines?

0

(Muqdisho) 03 Dis 2022 – 18-kii bishii Oktoobar saxaafadda dalka iyo kuwa dibedduba waxay sheegeen in Hay’adda Lacagta Dunida ay aqoonsatay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dib u habeynta maaliyaddeeda, uuna dadaalkanu noo dhoweeyay maalinta Soomaaliya laga cafin lahaa boqolkiiba sagaashan shanta bilyan iyo labada boqol ee milyan ee doolar ee la innagu leeyahay. 

Isbuuc buuxa iyadoonan weli laga soo wareegin maalintan la shaaciyay in Soomaaliya ay afka u saaran tahay in laga qaado culeyska deymuhu ku hayeen fursadaha u furan dowladda, waxaa 23-kii Oktoobar warbaahintu daabacday wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabayo guddi todobo qofood ka kooban oo la faray in ay 30 maalin gudahood ku keenaan qorshe dib loogu howlgelinayo Somali Airlines. 

Fardowsa Cusmaan Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka, ma aha wasiirkii koowaad ee wasaaraddaa loo soo magacaabay ee ku dhowaaqa in ay ka go’antahay dib u howl-gelinta diyaaraddii qaranka. 

2013-dii Wasiirka isku hayay wasaaradaha warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, mudane Cabdillaahi Ciil Mooge Xirsi, wuxuu asagoo booqasho shaqo ku jooga Turkiga saxaafadda u sheegay in qashinqubka dowlad la’aantu ku tuurtay Somali Airlines laga soo celin doono. Dad aanan magacyadooda rabin in la sheego oo la hadlay shabakadda Keydmedia waxay isla waagaa sheegeen in Turkiga iyo Qadar ay iska kaashan doonaan maalgelinta lagu soo nooleynayo diyaaradda. 

Shan iyo lix sano kadib waxaa 2018-dii iyo 2019-kii shabakadaha wararka ee Caasimada iyo Hadalsame midba gooni loogu sheegay in dalalka Turkiga, Bakistaan iyo Malaysia ay Soomaaliya duuliyeyaal u soo tababari doonaan. In howsha lagu billaabi doono labo diyaaradood  (lama sheegin in diyaaradahaas ay soo isticmaashay shirkad musallifmatay 2014-tii oo laga lahaa dalka Islofeekiya) ayna Qadar bixin doonto lacagta lagu soo gadayo. In garoonka Aadan Cadde laga dhisi doono meel la dhigo diyaaradaha. In… 

Ujeedada maqaalkan ma aha in aan farta ku qodo nabarrada rajooyinkan aan soo sheegay ee aanan hirgelin. Sida aan aaminsanahay ma jiro aadane guul gaaray oo jilbihiisu aynan xognayn, shakina iigama jiro in ragga iyo dumarka ka soo shaqeeyay, welina ka shaqeynaya, in dib loo soo nooleeyo Somali Airlines ay yihiin muwaadiniin dalkooda jecel.  

Sidaan ognahay se jeceylku waa ku lagu yaqaanno inuu naga indha tiro waxa horteenna yaalla, oo indhaha wax jecel maahine dunida oo dhani ay aragto. 

Waxa muuqdana waa tan: Somali Airlines xaq jiritaan uma lahayn waagii ay jirtay, dib u howlgelinteeduna waa tu uunan awood maaliyadeed u lahayn dalkeennu. Haddii awood maaliyadeed uu u lahaan lahaana waxaa jira kummanaan wax oo baahi loo qabo oo ka muhiimsan, kana mudan in dowladdu ka hormariso. Haddii aynan baahiyaashaasi jiri lahayn xataa na shaki kama jiro in maalka ku bixi doona dib u howlgelinta Somali Airlines ay dalka ku celin doonta godka deynta ee dowladihii dalka soo maray iyo wasiirradii uu ugu dambeeyo Dr Cilmi Maxamuud Nuur ay ku soo dadaaleen in ay dalka ka soo saaraan.  

Awoodda maaliyadda dowladda 

Miisaaniyadda baarlamaanku ansixiyay bilo ka hor waxaa lagu sheegay in miisaaniyadda sanadkan ee dowladda federaalka ay tahay 944 milyan oo doolar. Dakhliga dowladda gudaha dalka ka soo galeysa, sida warbixinta baarlamaanka la siiyay lagu sheegay, waa 250 milyan oo doolar. Inta kale waxay ka imaan doontaa dunida. Kaba sii darane dakhliga dowladda ka soo gelaya gudaha kuma filna inuu bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda, oo la sheegay in ay ku bixi doonto 258 milyan oo doolar sanadkan. 

Haddii aan hoos u sii aadno Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada miisaaniyaddeedu waa 17 milyan oo doolar, oo 15 ay ka leedahay Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada. 

Haddaba sidee ayay dowlad aanan mushaarka shaqaaleheeda xataa bixin karin caqli gal uga dhigi doontaa in lacag loogu deeqay ay dib ugu howlgeliso diyaarad qaran? Waa su’aal jawaab u baahan. 

Baahiyooyinka kale ee ka muhiimsan

Halkee ayaan ka billaabaa tirinta inta wax ee mudan in maalka yar ee dowladda soo gala lagaga horreysiiyo dib u howlgelinta Somali Airlines?  

Kow dheh howsha aasaasiga eh ee dowlad kasto lago rabo inay daboosho: Baahida ammaanka. Labo dheh dhisitaanka laamaha caddaaladda iyo tababarista shaqaalohooda. Saddax dheh waxbarashada, siiba tan dadka xerooyinka gudaha dalka ku nool oo boqolkiiba sagaashan madaxda reerka u eh aynan weligood iskool cagta dhex dhigin. Afar dheh ka hortagga abaaraha soo laalaabta iyo xal waara u helidda sidii bulshada webiyaasha ku dhinac nool loogu heli lahaa xal laga tashtay oo ka badbaadiya biya baxyada sida joogtada ah qaxootiga uga dhiga. Shan dheh tababarka laamaha siyaasadda, sida xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada oo qaar badani aynan aqoonin sida ay howshooda u gudan lahaayeen, iskaba daa la xisaabtanka Madaxweyne diida inuu dastuurka raaco oo magacaabo Madaxweyne ku xigeen (Laftagareen) iyo kii 20 bilood iskii dowlad iska ahaada, halka dastuurka maamulka uu Madaxweynaha ka yahay uu amrayo inuu dowlad ku soo dhiso 45 maalin (Cali Guudlaawe). Ku dar…Liisku waa iska socon doonaa haddaanan meeshan ku soo afjarin. Ujeedadu waa inaan kii in la xusuusiyo u baahan aan xusuusiyo in dalka baahida haysaahi ka weyntahay baahida diyaarad lagu rinjiyeeyay calankeenna.   

Dhaqaalaha dadka fuuli lahaa diyaaradda

«Soomaaliya,» baa ku taalla qiyaas uu Bangiga Horumarinta Afrika 2016-kii ka qoray gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya, «waa dal ka tirsan tobanka dal ee dunida ugu saboolsan.» Waa dal 70-80% dadkiisu ay u dhexeeyaan 0-illaa-30 sano oo boqolkiiba 60% dhalinyaradaasi aynan shaqo heysan. Heerka tacabka ummaddaasi madax kasta ee la rabo in ay Somali Airlines howlgeliyaan waxaa qiyaastii soo gasha 435 doolar sanadkii. U qeybi isbuucyada sanadka oo waxaad garaneysaa in celcelis ahaan qof kasta oo dalkeenna ku nool uu heysto uun 8 doolar isbuucii. Baaritaan degdeg ah oo aan ku sameeyay Google wuxuu ii sheegay in tikid diyaaradeedka Muqdisho-illaa-Garowe uu maanta joogo 80 doolar.  

Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka caadiga eh ee dalka jooga ee raba inuu tikidkaa goysto ay qasab ku tahay inuu toban isbuuc cuntada ka soommo si uu u awoodo iibsashada tikidkaa. Dunida hadduu weli joogo tobankaa isbuuc kadib, waxaan u maleyhaa in maskaxdiisa waxa ugu horreeya ee uu ka fikirayo inaynan ahayn koritaanka Somali Airlines iyo aaditaanka Garowe. Ama Muqdisho. Hadba meesha meydkiisa dalxiiska jeceli uu joogo.  

Diyaaradaha qarannadu waa lacag gubayaal

Haddii dalkeennu nabad ahaan lahaa. Oo laamaha caddaladeedu dhisnaan lahaayeen. Oo carruurteenna oo dhan iskool dhigan lahaayeen iyadoonan lagu xirin inay lacag bixiyaan. Oo dadkeenna maanta baahidu ku dileyso dhinac kasta ay jiifan lahaayeen calooshoodo buuxda. Oo kuwa webiyaasha ku ag nool ay hoygooda ku noolaan lahaayeen iyagoonan ka welwelsaneyn in biyuhu guriga ugu soo galaan. Oo maamul gobaleedyadu ahaan lahaayeen kuwo dimoqraadiyada magaca lee eh kuwo ka dhiga tu si dhab eh loogu dhaqmo. Oo aan heesan lahayn lacag dheeraadi eh… Xataa markaa dib u hirgelinta Somali Airlines waxay ahaan lahayd jar-iskaxoor maaliyadeed. 

Kii raba inuu ogaado sababta ha eego diyaaradaha qarannada deriskeenna. 

Ka billow dalka ciidamadiisu Muqdisho joogaan ee Ugaandha. Maalintay diyaaradda Ugaandha Airlines dib u howlgashay 2019-kii illaa hadda waxay diyaaraddu dhumisay 498 bilyan oo shilinka Ugaandheeska eh, oo u dhiganta 131 milyan oo doolar. Ama 52% dakhliga sanadkii dowladda Soomaaliya ka soo gala gudaha. 

Rwandair, diyaaradda dalka ay Ugaandha deriska yihiin wax sidaas eh ma dhaanto. Xasilloonida dalkaas, musuqmaasuqiisa yar, maaliyaddiisa sii keceysa iyo dalxiisayaasha diyaarka u eh inay bixiyaan 400 oo doolar maalintii si ay u fiirsadaan goriillaha ku nool buuraheeda, kama difaacin dalkaa in diyaaraddaasi ay sanad waliba lumiso malaayiin doolar. 

Waxaase ugu sii daran diyaaradda dalka deriska aanu nahay ee Kenya. Sanadkan keliya waxay diyaaraddu lumisay 82 milyan oo doolar. Sanadkii keliya 2020-kii waxay lumisay lacag kor u dhaafeysa 300 oo milyan oo doolar. 

Geba gebadii

Xaqiiqdu ma dhadhan fiicna mar kasta, waa se dhab. Dalkeennu ma heysto lacag uu ku dhumiyo dib u howlgelinta diyaarad inta ugu badan muwaadiniinta canshuurtoodu shidaalka ku shubi dooni lahaa aysan haysan lacagta tikidka ugu jaban ee lagu raaci kari doono.  

Waxaan Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kula talinayaa in fikraddan lacag dhumiska eh ee boorka dib looga jafayo Somali Airlines dhinac la iska dhigo. In xoogga la saaro howlaha kale ee wasaaradda ee faa’iidadooda ay indha ku arki karaan ummadda Soomaaliyeed.  

Intaan ku deysan lahayn tusaaleyaasha xun ee deriskeenna, lacagta yar ee laga soo qaado ummaddeena iyo tan dunidu nagu taageerto ha lagu isticmaalo jidadka dhulkeenna isku xiri kara, fududeyn karana isu socodka iyo ganacsiga dib u soo nooleyn doona rajada mustaqbalka bahda dalka dhaxli doonta.  

Somali Airlines qabriga taariikhda ee ay ku aasantahay ha lagu daayo. 

W/Q: Mohammed O, «Shaarib»

Hadalsame Media